
Garaad Shirwac & Boqor Maxamuud
Maanta waxaana ku soo qaadanaynaa Muuqaal muujinaya siyaasabaha keenay Puntland dhismaheeda oo ka doodayaan aqoonyahano reer Puntland uu ka mid yahay Maxamed Abshir Walde & Suldaan Garaase iyo aqoonyahan kale oo dulmaraya sababihii Puntland loo shisay.
Ma ahayn Puntland dhismaheeda mid lagu dhisay Laab-lakac , waxaase Puntland lagu dhisay bisayl ay shacabku u bislaayeen inay aayahooda ka tashan karaan , maadaama ay bur-burtay dowladii dhexe ee Soomaaliya , lana sugaayey 8 sanood oo kale in bal in lahelo dad danaynaya in Somaali dowlad lagu midaysan yahay loo shiso. taas iska daaye waxaa soo baxay in dabino hor leh loo diyaariyey shacabka Puntland , taas oo shacabka Puntland ka soo jeeda ay kaga quusteen Muqdisho iyo wax la wadaageeda & maadaama ay dadkeedu u diyaar ahayn dowlada Soomaaliyeed ayma miciin bideen Isbaarooyin iyo wax la mid ah.
Ogow : Taariikhda & horrumarku waa isku xiran yihiin, shibka Puntland laga soo maray dadna waa u harjadeen oo dhib bay ka soo mareen , kuwana nimcadii horay loo abuuray ayey goosteen, dadkan dhex mushaaxaya goobaha dalxiiska waxay goosteen dadaalkii ay horay u soo sameeyeen dadkii hore ee dicaafay iyo hantida u huray Puntland. sii akhri maqaalka…..
Horrrumarka Caasimada Puntland 21 sano kaddib
Waxaan Asbuucii la soo dhaafay ka sheekaynay in Boosaaso ay dhaaftay ama la tartamaysaa Muqdisho, Gaalkacyona ay dhaaftay ama la tartamaysaa Hargeysa, Garoowena waxay la tartamaysaa ama dhaaftay Kismaayo oo ahayd caasimadii sadexaad ee Soomaaliya, itaas waxaa lagu gaaray markii markii Puntland ay isku tashatay , iyadoo aan ilaaweyn samata bixinta ummadda Soomaaliyeed.
Waxyaalaaha keenay in Puntland la aasaaso …!

Taaladii Sayid Maxamed Oo Carabaha lagu gatay
Markii la arkay in soomaaliweyn soo dhoweyn cagligii Muqdisho joognay uu noqday in Jiingadihii guryihii dowlada laga fuqsaday , taallooyinkii qadiimka ahaana Caasimada Soomaaliya loo dhoofiyey wadamada carabta oo la gatay , fiilooyinkii iyo Baalayaashii nalalkana siddoo kale dibada loo dhoofiyey, waxay Puntland dadkeeda arrimahaasi ku qasabtay in la samaysto Maamul dowladeed oo ay dadku kala ilaaliya

Bud-dhigii Puntland
Maqaalkeena waxuu maanta diirada saarayaa Raggii kale ee Puntland wax ka bedelay , waxaana ka mid ahaa Allaha u naxariistee Islaam Maxamed Islaam Muuse, Islaan Cabdulle, Ugaas Yaasiin, Beeldaajiye Xaaji Cali, & Boqor Maxamuud, kuwaas oo saamayn ku lahaa jidadkii wanaagsanaa ee ay dadka u bidhaamiyeen.
Marka laga hadlaayo deegaanada Puntland Islaam Maxamed waxaa looga qiimeeyaa siyaabo kala duwan, waqti waxaa jirtay uu deegaanadii W/bari loo yaqaanay uu Mudug iyo Nugaal uu ahaa Isim, maxaa yeelay Islaan Cabdule markii uu dalka ka caray ammaan darro awgeed iyo in dowladii markaas jirtay ay Xirto, Islaam Maxamed wuxuu noqday Islaam buuxiyey booskii Islaam Cabdule , Puntland dhisitaankeedii maadaama guusha la wada-keenay, haddana Islaam Maxamed waxaa lagu tilmaamayey nin loo mari waayey in Garoowe lagu kala tago.(Tixraaca taariikh ay dad badan ka sheegeen Booskii Islaam maxamed uu ka taagnaa deegaanadan..)
Isimada aan kor ku soo xusnay Waxyaalaha lagu xasuusan karo ayaa waxaa ka mid ahaa , iyagoo isku aragti ka ahaa dejinta beelaha ay cuqaasha u ahaayeen, waxaana taariikho aan ka maqalnay Isimadani na loo sheegay in ay ahaayeen Isimo Diinta aad ugu wanaagsanaa, kana soo qayb qaatay halgankii Qaranimada Soomaaliya, waxaana la sheegayaa inay ahaayeen Isimada aan marnaba gor-gortanka aan ka geli jirin in la dhibaateeyo shacabkooda ama dhexdooda la iska horkeeno.
Waxaa kaloo Puntland wax ka bdelay raggii aqoonyahanka ahaa oo waqtigaas waaya araga ahaa ama ha noqdaan Ciidan ama ha noqdaan ragg jaamaciyaal ah ama kuwo kale oo ka soo shaqeeyey dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Gen. Maxamed Abshir Muuse
Waxaan Jecelnahay inaan raggas aan ka xasuusano Gen. Maxamed Abshir Muuse oo beri samaadkii ahaa Taliyaha Ciidankii Booliiska Soomaaliya, xabsi 12 sano ah soo liqay, markii danbena noqday Guddoomiyihii SSDF magaceeda la wareegay burburkii kaddib , soona maamulayey illaa 8 sano intaan maamulka loo samayn , wuxuuna ahaa Maxamed Abshir markii shirkii Garoowe lagu doortay Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed , masuul taageeray doorashadaas kaddib markii lagula taliyey inuu taageero , maadaama hogaanka SSDF uu soo hayey 8 Sano oo ahayd waqti aad u adag, deegaanadaasna ay ku socdeen dagaalo laga soo abuulayey Muqdisho & goboladii dhexe ee Soomaaliya, dagaaladaas oo xiriir la lahaa kuwii Xamar sidda kadiska ah loogu gumaaday Beesha Daarood.

Gen. Maxamed Jibriil ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta wax ka bedeshay Puntland, wuxuuna ka mid noqday taliyeyaashii sar sare ee SSDF , kaddib burburkii dowladii dhexe , markii danbena wuxuu noqday la taliyaha dhanka ammaanka dowladii Puntland ee u hogaaminayey Madaxeyne C/laahi Yuusuf Axmed , waxuuna ka mid ahaa raggii difaacii la mari waayey ka hirgeliyey Gobolka Mudug.

Eng. Abshir Muuse, mar uu tartamayey doorashada Puntland
Eng. Abshir Muuse ayaa ka mid ahaa raggii soo maray maamuladii SSDF iyo Puntland , wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta magaca iyo maamuuska kaga tegay Puntland, waxaana xusuus mudan in dhaqaale xoogan kaga qayb qaaatay difaacii la isaga baacinayey xoogagii USC- da . Eng. Abshir Muuse inkasta oo uu ahaa Halgamaa ka soo qayb qaatay marxaladihii adkaa ee ay deegaanadan soo mareen , haddana mar ayuu u tartamay Jagada madaxtnimo ee Puntland, inkasta oo uusan ku guulaysan.
Sikastaba , Puntland waxaa wax ka bedelay rag badan oo siyaasiyiin ah & Isimo ah iyo aqoonyahan intaba isugu jira, ha moogaan dad badan ayaa Liiska ku soo jira, shacabka Puntland ee ku xiran warbaahiyaha Puntlandpost ee looga sheekaynayo taariikhda & horrumarka Puntland ay ku talaabsatay iyo dadka si quman uga soo shaqeeyey ka qayb qaado fakirkaas isaga ah , kuna soo hagaaji webmaster@Puntlandpost .com ama Puntlandpost@hotmail.com , adigoo tixraacaya ragga Puntland taariikhda uga tegay, hadaad macuumaad badan ka hayso.








