
Beel weynta Maakhir ayaa waxay shir balaadhan ku yeelatey magaalada Taariikhiga ah ee Laasqoray iyadoo ay shirkaasi kasoo qeyb galeen culumo, Cuqaalo, garaado iyo salaadiin, Guurtida deegaanka iyo Siyaasiyiinta, Ururada dadka Rayidka ah isla markaana lagaga hadlayey dibu dhiska Dekeda Laasqoray.
Sidoo kale shirka waxaa kasoo qeyb galey hawlwadeenada mashruuca dibu dhiska Dekeda Laasqoray oo ugu horeeyo Engineer Faysal Ahmed Yusuf oo ku magac dheer Faysal Hawar isla markaana ay weheliyaan Saraakiil iyo Enjineero ajinebi ah oo ka qeyb gelaya dibu dhiska Dekeda Laasqoray.
Waxaa sidoo kale door weyn ka cayaaraya shirka Maamulka Degmada Laasqoray ee Puntland oo uu ugu horeeye Alxaaj Yusuf Jamac Dibad oo ku sugan madasha Shirka Laasqoray.
Madasha iyo guud ahaan magaalada Laasqoray amnigeeda ayaa aad loo adkeeyey iyadoo ciimada Puntland ay sugayaan amniga iyadoo horey Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland uu degmada Laasqoray u direy Ciidamada sida gaarka loo tababarey ee Puntland isla markaana uu wasiirku wacad ku marey difaaca magaalada Laasqoray goor uu la hadley warfidiyaha SPR.
Shirka Degmada Laasqoray ayaa waxa noqonayaa kii ugu horeeyey ee tan iyo intii ay magaalada soo gaareen maraakiib sida qalab lagu dhisayo Dekeda Laasqoray isla markaana ay dhowr maalmood ay qawleysato u dhashey maamulka Somaliland ay weerar qaawan kusoo qaadeen isla markaana dharbaaxo kulul lagu dhiftey.
Shirkan ayaa la wadaa inuu isla maalmahan soo socda soo geba geboobo iyadoo war hoose aanu heleyno ay sheegayaan in Suldaanka Guud iyo Suldan Maxamed Suldaan iyo Garaad C/llahi Cali Ciid oo dhamaantood Muqdishu ay taageero buuxda siiyeen




