Shirkii London ee dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa goordhow lagu soo gaba gabeeyay duleedka magaalada London oo uu kasocday Shirka.
Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ah Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga qaranka ayaa Allpuntland uxaqiijiyay waxyaabihii ay ugu hadleen Shirka soo dhaamaday iyo waxaa laysla gartay.
Wasiirka ayaa sheegay in shirka aan gabi’ahaan lagu soo sheek qaadin Somaliland madax banaani hala siiyo iyo ha katirsanaato Soomaaliya.
Cabdi Samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Shirka uu guul iyo Isfahan uu kusoo dhamaaday ayna kasoo baxeen Qodobo Sideed ah oo lasheegay inay yihiin hab farsamo.
Shirka waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay labadaba Shirkii Istambul iyo kii London horay loogu qabtay.
Qaar kamid ah qodobadii ugu muhiim sanaa ee kasoo baxay Shirka waxaa kamid ah.
1-inay sidhaqsa ah u wada Kulmaan Madaxwaynaha Soomaaliya Shariif sheekh Axmad iyo Madaxwaynaha maamulka Somaliland Axmad maxamad maxamuud Siilaanya kana hadlaan arimo ay kamid yihiin qaabka lagu dhaqan gelin lahaa Qodabadii lagu soo hordhigay Shirkii London.
2 -in dowlada Soomaaliya iyo Somaliland ay iska garab siiyaan dagaalka kooxaha Argagixisada iyo Burcad badeeda.
3- in lasii wado wadahadalka labada dhinac ee soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiinayaan.
4-in laga hortago kooxaha xeebaha soomaaliya ku soo shubaya Sunta.
5- inay labada dhinac ay quburo shisheeye uyeertaan kuwaas oo ay kala kaashanaya barnaamijka wadahadalka.
6- in la taageero in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu baxo Marxalada Kumeel gaarka ah.
Intaa kadib Xubnaha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa baaq wadajir ah u diray beesha Caalamka kaas oo ku aadan in Soomaaliya iyo Somalilandba laga taageero Arimaha Bini’aadanimada iyo Hormarka.
Shirkii ayaa sidaas kusoo gaba gaboobay iyadoo maanta uu shirka socdayna Shacabka Soomaalida iyo Somalilana ay isku dhaafsanayeen Warbaahinta hadala ah way haboontahay in lahadlo iyo mahaboona.
--------------------------------------------------------------
wlc back our tumultuous son