Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin Cal bari oo ka mid ahaaissimadii soo xulay xubnaha baarlamaanka iyo ergadii ansixisay dastuurka cusub ee dalku uu yeeshay ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.
Wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Bari iyo
shacab aad u badan ayaa beeldaajiyaha kusoo dhoweeyey garoonka
diyaaradaha ee magaalada Bosaso oo uu barqadii maanta uu kasoo dagay
isagoo ka yimid magaalada Nairobi oo uu joogay maalmihii ugu
dambeeyey, kadib markii uu kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bidde oo saxaafadda
kula hadlay garoonka diyaaradaha Benderqaasim markii uu beedaajiyaha
soo dagay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin soo laabashada
beeldaajiyaha oo uu tilmaamay howl qaran inuu ku maqnaa.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo hadal kooban jeediyay ayaa u
mahadceliyay shacabkii soo dhoweeyey waxaana uu sheegay shaqooyin
badan inuu kasoo qabtay magaalada Muqdisho intii uu joogay.
Beedaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa loo galbiyay madaxtooyada
Bosaso oo uu kula kulmay madaxwaynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh
Maxamed Faroolle oo xog waraysi kooban ka siiyay xalaadda Puntland.
Beeldaajiyaha ayaa siweyn looga tixgaliyaa guud ahaan gobolada
Puntland, waana beeldaajiyaha beelaha dega deegaanada Calbari oo ka mid
ah gobolka Bari.
Puntland-news24
Bosaso










