http://puntlandnews24.com/ciidamada-dar ... har-laaan/
Ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan Qardho oo ka gedooday mushahar la’aan
May 22, 2013 // Warar Somaali
Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ee ku sugan degmada Qardho oo watay gaadiidka tiknikada ayaa shalay barqadii qabsadeen kantaroolka dhinaca koonfureed ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, daryanka hubka culus ee ay ridayeen ayaa waxa uu argagax iyo cabsi ku abuuray shacabkii ku sugnaa magaaalada.
Ciidamadan ayaa waxa ay kala xireen isu socodkii baabuurtii gooshaysay wadada iyaga oo u ogalaaday gaadiidka sida xoolaha oo keliya in ay wadada maraan ,ciidamadan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka gedoodeen musha har la’aan ,iyaguna ay u taagan yihiin difaaca iyo ilaalinta xasiloonida degaanada Puntland.
Waan waan iyo wada xaajoodyo kadib ay sameeyeen masuuliyiinta gobolka iyo degmadu waxaa lagu guulaystay in isla shalayba laga dhaqaajiyo ciidamadan kantaroolka,iyaga oo loo ballan qaaday in ay heli doonaan mushaharada ay dalbanayaan ,horay ayaa waxa sidoo kale gedood kan mid la mid ah sameeyay ciiidamadii daraashiiwta ee ku sugnaa aaga jiida hore ee Gal gala kuwaas oo ka cabanayay mushahar la aan .
Puntlandnews24.com




