The ballot boxes were looted and destroyed in Qardho, Bursalax, Galkaayo and many other towns. Farole has called off the elections. Almost all the major towns have rejected the elections and in Badhan, Las Qorey and Dhahar Somaliland forces confiscated all the ballot boxes.
Farole described those opposed to the elections as terrorists and promised to deal with them accordingly.
People loot ballot boxes in Qardho where five people have been killed.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole, markuu si qotodheer ah ula tashaday Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha
Wasiirada iyo xubnaha Guddiga Nabadgelyada Dowladda Puntland, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KMG ah, iyo dad xurmo ku leh Bulshada Rayidka ah, wuxuu soo saaray go’aankaan ku saabsan joojinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ka dhici lahaa
Puntland berri Isniin July 15, 2013.
Madaxweynaha Dowladda Puntland:
Markuu qiimeeyey mas’uuliyadda iyo xilka weyn ee ka saaran ilaalinta amniga, xasiloonidda, iyo midnimada dadka Reer Puntland;
Markuu arkay kooxo isu soo bahaystay khalkhalgelinta degenaanshaha iyo waxyeeleynta midnimada Puntland, kuwaasoo ay ka mid yihiin argagaxiso doonaya inay si xun uga faa’idaystaan qabsoomidda Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland;
Markuu aqoonsaday dadaalkii dheeraa oo Puntland usoo gashay hirgalinta iyo meelmarinta nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, iyadoo tallaaboyin badan oo lagu guulaystay la
soo maray ilaa hadeer;
Markuu qiimeeyey qaswadayaasha gudaha iyo khalkhalgeliyaasha dibedda oo maalgelin iyo abaabul uga qaybgalaya abuurida xasilooni-darro iyo isku dhac xilliga doorashada Puntland;
Markuu aqoonsaday khatar ku imaan karta amniga, nabadgelyada iyo xasiloonidda dadka Reer Puntland;
Markuu qiimeeyey himilooyinka dadka Reer Puntland ee dowlad-wanaaga, nabadda, iyo cadaaladda;
Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u joojisay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland oo qabsoomi lahaa July 15. Iyadoo la qaatay go’aankaan adag, Dowladda Puntland waxay shacabka usoo jeedinaysaa mahadnaq balaaran niyadda ay u hayaan una muujiyeen in
geedi-socodka nidaamka doorashooyinka socdo, waxayna Dowladdu dadka u balanqaadaysaa inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah.
Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka oo soo taageertay nidaamkaan muddo 10-sanno ku dhowaad ah, marxalado badan oo lagu guulaystay lasoo martay Dowladda ilaa wakhtigaan xaadirka ah. Dowladda Puntland waxay kalsooni ku qabtaa in Beesha Caalamka ka taageeri doonto sii wadida nidaamka asxaabta mustaqbalka.
Dowladda Puntland waxay ugu yeeraysaa dadka Reer Puntland oo nabadda jecel iyo Ciidamada Amniga inay daafacaan Midnimadooda, Amnigooda.
DHAMAAD
Horseed Media
News Desk