Garowe(pp)
Ciidanka xerada 54-aad ee magalada Garowe ayaa maanta cabasho ka muujiyay mushahar la’aan 4-bilood ah iyagoona afeefka hore ee xeradaasi ku dhigay mudaharaad kooban oo ay xitaa taayaro ku gubay.
Waxay cabasho ka muujiyeen in aysan wali xaquuqdii ciidan-nimo ka helin xukumadda Cabdiwali Cali Gaas taasina ay caqabad ku tahay sii shaqaynta iyo gudashada waajibaadka lagu lee yahay.
Qaar ka mid ah ciidanka cabanaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay la yihiin mushaharaadkoodii isla markasna madaxda dowladda Puntland ay ugu baaqayaan in si deg deg ah xaquuqdooda la siiyo.
Ma jirto ilaa iyo hada hadal kasoo baxay taliska ciidanka Daraawiishta oo ku aadan cabashada ciidanka 54-aad ka imaanaysa maadama ay mushaharkoodii wali ka maqan yahay.
Marka laga tago cabashada ciidanka 54-aad ee dhanka mushaharka Isbitaalka guud ee magalada Garowe ayaa ka mid ah meelaha aan wax dhaqaale ah 7-bilood xukumada Gaas aysan siin.iyadoona dhaqaalaha loogu talo galay Isbitaalku uu gaarayo 12-kun oo doolar balse sida uu Agasimaha Isbitaalka sheegay wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in shir arrintan laga yeelan doono.
Cabashada Ciidanka ka imaanaysa ayaa waxay kusoo aadaysaa xili Shirkii Gollaha wasiirada ee Khamiistii dhacay aan lagu soo hadal qaadin arrimaha ay dadku sida aadka ah u hadal hayaan ee dhanka dhaqaalaha ku saabsan.









