Beesha Dashishe elite throw a dinner party for MP Jurille

Xildhibaan Proff.C/risaaq Cismaan Xasan (Juurile) oo Qado Sharaf Loo Sameeyey(Sawiro).
Ganacsade Xaaji Cabdiladiif Yusuf Barre oo ka mid ah Ganacsatada Deegaanada Puntland Kuwooda ugu Dhaqaalaha Badan ayaa Qado Sharaf u Sameeyey Xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan(Juurile) oo ka mid ah Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee Kasoo Jeeda Deegaanada Puntland Gaar ahaan Gobolada Karkaar iyo Bari.
Kulanka Qado Sharafta ah ayaa Waxa Ganacsade C/ladiif Ku Weheliyey Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Dr.C/laahi Jaamac Saalax ,Sharmaarke Ugaas Yaasiin ,Dr.Axmed Bulxan,Eng.Yaasiin Mirre Maxamuud Dacar iyo Ganacsade Cumar Ismaaciil Waaberi oo dhamaantood kasoo wada jeeda Beesha Xildhibaanku ka dhashay.
Kulankan Qado Sharafta ah ayaa Ujeedkiisu ahaa Is Xogwaraysi ku Saabsan Deegaanada Deegaanada Beeshu Degto iyo Weliba Guud ahaan Wacyiga ka jira Deegaanada Puntland oo Horaantii Sanadkan uu ka dhacay Isbedel Xoog Leh.
Xildhibaan C/risaaq Cismaan Xasan ayaa Deegaanada Puntland waxa uu u yimid Wadatashi uu la yeelanayo Beelaha uu Xildhibaanka u yahay iyo Weliba Dhex dhexaadinta Khilaaf Ba”an oo ka dhextaagan Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland,iyadoona la rajaynayo in Khilaafka Labada Dhinac uu Proff.Juurile soo Afmeeri doono Maadaama uu yahay Masuul Ruug cadaa Siyaasadeed ah.
Kulankan Shaqo Sharafta ah oo Saacado Badan qaatay ayaa kuwoo dhamaaday Jawi degan,iyadoona Xogo badan oo Muhiim ah la isweydaarsaday.