(Dhageyso) Dowladda Puntland oo furaysa dugsiyo lagu barandoono aqoonta darawalnimada si loo helo darawaliin aqoon leh
(Pi Garoowe) Wasaaradda howlaga guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay in la furidoono dugsiyo lagu barandoono aqoonta darawalnimada oo laga hirgalinayo qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Qorshahaan cusub ayaa wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland C/rashiid Maxamed xirsi wuxuu sheegay in looga golleeyahay sidii looga bixi lahaa darawal xumada iyo shilalka gaadiidka ee ka dhaca Puntland oo lagu sababeeyo inta badan aqoon la’aanta darawaliinta qaarkood.
Wasiirka howlaha guud ayaa sheegay inay Puntland usoo bixidoonaan darawaliin aqoon leh oo dadka iyo dalka anfacidoona, kuwaas oo uu sheegay inay badal unoqondoonaan darawaliin yar ee maanta.
“Darawal garanaya calamaad kasta oo ka hortimaada waxa ay sheegayso iyo macluumaadka oo ku qoran ayaan u baahanahay,” ayuu yiri wasiirku.
Dhinaca kale Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa sheegay inay tayayndoonaan laanta nabad galyada wadooyinka Puntland si kor loogu qaado iskaashiga labada dhinac.
Wuxuu sheegay wasiirku in 120 askari oo katirsan ciidanka booliska lagu daridoono kuwo taraafikada iyadoo loo sameyndoono goobo cusub oo ay ka howlgalidoonaan.




