Dowladda Puntland oo sheegtay in tilaabo adag laga qaadidoono dadka ka ganacsada hubka sharci darrada
(Pi Garoowe) Dowladda Puntland ayaa sheegtay in sharciga la horgayndoono cidii lagu qabto iyadoo ka ganacsanaysa ama lasoo dagayso hubka nuucyadiisa kala duwan kadib markii lasoo saaray go’aan lagu mamnuucayo.
Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Alloore oo maanta warbaahinta kula hadlayay Garoowe ayaa sheegay inaysan dowladdu udulqaadoonin hub sharci darrada isagoo sheegay inay magacaabidoonaan guddiyo kala duwan oo ka shaqeyndoono xakamaynta hubka.
Wasiirka amnigu wuxuu shacabka ugu baaqay inay hubkooda xareestaan tan iyo inta laga bilaabo hubka dhigista oo dhawaan bilaabmaysa.
Dhinaca kale wasiirka amniga ayaa sheegay inay astaamo gaar ah iyo aqoonsi u samyndoonaan ciidamada amniga Puntland si aanan loogusoo dhex dhuuman.
Ugu dambayn wasiirka amniga ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan qorshaha xakamaynta hubka si dowladdu gacanta ugu dhigto hubka sida qaldan loo isticmaalo oo lagu dhibaayeeyo shacabka.
Hadalka wasiirka amniga dowladda Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta wasaaraddu qabatay kulan ku saabsanaa siyaasada cusub ee xakamaynta hubka sharci darrada ah oo ay kala kaashanayso hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo Recsa.



