Garoowe (SR): Maamulka Isbitaalka
guud ee magaaladda Garoowe ee
Xarunta Gobolka Nugaal ayaa
sheegay in isbtaalka ay ka jirto biyo
la,aan baahsan,ka gadaal markii uu
dowray ceel biyoodkii isbitaalku.
Biyo la’aantaan soo wajahday
Ispitaalka Guud ee Magalada Garowe
ayaa ah mid samayn ku yeelatay
hawlihii caafimaad ee laga waday
halkaas taas oo ku keentay in ay ka
hadlaan maamulka isbitaalka oo loo
bahan yahay biyo ku filan in uu helo
si goobaha dadka lagu dawaynayo
goobahooda ay u noqdaan kuwa
caafimaada helana biyo ay kaga
badbaadaan wasakhda iyo
waxyabaha kale ee ay u isticmali
lahayeen
Agaasimaha Isbitaalka Guud ee
Garowe Qorile ayaa uga waramay
warbaahinta sahan biyo la’aanta
lasoo gudbonatay Isbitaalka
Garoowe.
Qorile waxaana uu sheegay in aysan
ku filnayn biyaha uu hada isticmaalo
isbitaalka ee looga keeno ceelasha
biyaha ee magalada Garowe isla
markana biyahani yihiin kuwo Lacag
ah.
Agaasimuhu waxaa uu intaas ku
daray in isbitaalku uu lahaa Ceel
biyood balse hadda uu dowray oo
aan laga helin wax biyo ah.
Agaasimaha Isbitaalka Garoowe
waxaa uu bulshadda garoowe ka
codsaday in ay gacan ka gaystaan
wax kaqabashadda dhibaatadda biyo
la,aneed iyo guud ahaan adeegyadda
lagu horumarinayo Isbitaalka



