Maansada iyo Murtidu waa Mahad Ilahay Dheh
Murankiyo Xumaantana Waa Munkar Sheydaan Dheh
Heeshiskiyo Mowqifkey Waa Miisan Akhiro Dheh
Micnihiyo Ujeedadey waa Mowjada Gabaygaan Dheh
Bal Aan Marsho Hadalkeyga Muruqa Weyn Dheh.
Mustaqbalka Hadii ala eegin Maanka Suu Yahaye?
Miyaa Qalbigu Maqanyahay, Caqligana Miiranyahaye
Masuul Nimaan Isasa Saarin, Awoodiisu waa Maranyahaye
Manhajka Nimaan Raacina iyo Madhaahiibtana Siduu Yahaye
Muluq iyo Weynina aan loo kala Maqnaaneynin
Maandhooyin Muruqiina Maalo Marag Mawlaa Laa Yaahye