Xisbul Islam
Posted: Mon Mar 23, 2009 5:05 am


Dr Cumar Iiman oo laga qaaday xilkii uu ka hayay Xisbul Islaam.(Daawo Sawirada)
Posted: 3/23/2009 1:02:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Xubno ka tirsan ururka Xisbul islaam ayaa sheegay in ay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii ururkaasi Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Kadib kulan ay maanta ku ayeesheen xarunta warshadii hore ee baastada ee magaalada Muqdisho saraakiil ka tirsan uruka xisbul islaam ayaa waxaa ay shaaca uga qaadeen in ay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii ururka Xisbul islaam Dr Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ay tilmaameen in uu gudan waayay shaqadii xisbiga isla markaana xisbiga uu galiyay dagaalo aan diyaar loo aheyn uuna ka soo hor jeestay go’aankii hay’ada Culimada Soomaaliyeed sida ay sheegeen.
Sidoo kale masuuliyiinta ayaa sheegay in gudoomiye looga dhigay Xisbiga Shiikh Max’ed Xasan Axmed (Cameey),waxaana afhayeen looga dhigay Shiikh Daa’uud Max’ed Abti doon.
Afhayeenka cusub ee Xisbul islaam Shiikh Daa’uud Max’ed Abtidoon ayaa warbaahinta u aqriyay Qodobada ay u higsanayana xil ka qaadista Gudoomiyihii hore ee ururka Xisbul islaam,waxaana uu sheegay in uu jabiyay heshiiskii ururkaasi u degsnaa ururka oo dhigayay in hal urur la yahay,isla markaana uu ku dhaqamay wax ka soo hor jeeda ururkaasi.
In ururka uu galay dagaal uusan wax ka ogeyn masuulka isla markaana uusan waxba ka qaban.
In uu ka soo hor jeestay go’aankii hay’ada Culimada Soomaaliyeed,xubnaha kalena uu uga qancin waayay si waafaqasan shareecad islaamka taasi oo sababtay in uu gudah waayay xilkii isla markaana lagu badalay masuul kale.
Sheikh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha Cadde) oo xubin ka ah ururka Xisul islaam ee maanta loo magacaabay gudoomiyaha cusub ayaa waxaa uu sheegay in xisbul islaam ay taageersan tahay go’aanadii hay’ada culimada Soomaaliyeed ay soo saareen,waxaana uu sheegay in garoonka diyaaradaha ay ka soo degeen 17 illaa 22-kii bishani ciidamo cusub oo ka socda midowga Africa.
Gudoomiyaha cusub ee maanta la magacaabay Shiikh Max’ed Xasan Axmed (Cameey) ayaa isna waxaa uu goobta ka sheegay in aysan habooneeyn in dagaalada la sii wado,waxaana uu sheegay in ay taageeran yihiin qodobadii ay dhawaan soo saaren hay’ada culimada Soomaaliya,waxaana uu ugu baaqay isbeheysiga garabka Jabuuti in ay iyaguna dhaqan galiyaan qodabadii ay soo saareen culumaa’udiinka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha cusub ee Xisbul islaam ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in dagaalada aysan joogsan doonin isla markaana meesha ay culumada go’aamiso ay weerari doonaan.
Ugu danbeeyntii goobta maanta masuuliyiintani looga dhawaaqay ayaa waxaa ka maqanaa qaar ka mid ah masuuliyiintii ururka Xisbul islaam,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay gudoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Shabelle Media Network - Source of Somalia News
