2 Kablalah killed in Kismayo. who told U Kablalah controls
Posted: Sat Aug 30, 2008 6:00 am
Kismaayo: Labao qof oo rayid ah oo xalay lagu dilay goob lagu qaxweeyo
[2008-08-30 12:45:27] Xaafadda Calanleey ee gudaha magaalada Kismaayo ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay labo qof oo rayid ah, halka mid kalena uu dhaawac ka soo gaaray.
Nin ku hubaysnaa bastoolad ayaa xalay goob lagu qaxweeyo ku dilay labo wiil oo la sheegay inay walaalo ahaayeen, kadib markii uu ninka dableyda ahi rasaas ku furay madashii ay ku sugnaayeen taas oo keentay in labadaas wiil oo walaalaha ahi ay ku geeriyoodaan isla goobtii lagu toogtay isla markaasna uu dhaawac ka soo gaaray nin kale oo isna ku sugnaa madasha laga qaxweeyo.
Gacan ku dhiiglihii falkaas geystay ayaa ku guulaystay inuu si dhib yar uga baxsado goobtii uu dambigaasi ku galay. Mana jirto wax ciidamo ammaanka ah oo gaaray meesha uu shilkaasi ka dhacay.
Dhacdadaan oo aad saameeyn ugu yeelatay isku socodka dadka iyo dhamaan goobaha ganacsiga ee ka ag dhawaa goobta uu shilku ka dhacay ayaa sababtay in markiiba irdaha loo laabo dhammaan rugaha ganacsiga ee yaalay agagaarka xaafadda calanleey.
http://allwariye.com/actiontools/getThi ... php?id=979