Ururka Maxkamadaha ee Garabka Asmara oo sheegay inay Dawlada soo dhisi doonaan loo dhan yahay.
Warkii 19-Mar-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Garabka Asmara oo u gadhwadeen ka yahay Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa waxa u sheegay afhayeenka garabkaasi inay soo dhisi doonaan dawlada ay yeelatao Umada Soomaaliyeed taas oo ay kusoo dhisi doonaan sida ugu dhaqsaha badan oo ay hadda ku talo jiraan soo dhisi deeda.
Afhayeenka garabka Asmara C/naasir sarinley oo ka hadlay soo dhisida Dawlada cusub oo ay yeelatao Dalka Somalia ayaa waxa uu sheegay in hadda uu safaro ku kala bixiyay wadamo badan oo caalamka ayna u bandhigeen inay soo dhisi doonaan Dawlada cusub oo ay yeelato Dalka Somalia.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray afhayeenka garabka Asmara C/naasir Sarinley ayaa waxa u sheegay inay soo dhisayaan Dawlada isagoo intaasi ku daray in uusan hadda Dalka Somalia lahayn dawlada isagoo sheegay in Dawlada ka jirta Dalka Somalia ay tahay mid u shaqaysa danaha wadanka Ethiopia ayna u tahay wakiil ujooga Dalka Somalia.
C/naasir Sarinley ayaa waxa uu sheegay in garabka hadda talada haya ay yihiin garabyo u shaqeeya Dawlada Ethiopia ee aysan ahayn kuwo u shaqeeya danaha umada Soomalaiyeed ayna iyagu hadda soo dhisayaan dawlada ka hirgasha gudaha Dalka Somalia taas oo ka shaqaysa maslaxada umada Soomaaliyeed ciidamada dalka ku sugana ka saarta.
Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo yeedhaya garabka Asmara ayaa waxa uu sii xoojinayaan khilaafkii siyaasadeed ee ka taagnaa Dalka Somalia kaas oo ragaadiyay Dawlad ka hirgasha gudaha Dalka Somalia iyadoo sidoo kalena si wayn ay isaga soo horjeedaan garabka Jabuuti iyo Asmara oo ay kala hogaaminayaan Sheekh Xasan Daahir Aways iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Afnugaal News Desk
info@afnugaal.com