Sheekh Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo
Gudoomiyihii hore ee maamulkii islaamiga ahaa ee gobolada Jubooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islan(Sh.Axmed Madoobe) oo ay galbinayaan gaadiid aad u tira badan oo ah nooca loo yaqaano Tikniko ayaa saaka barqanimadii gaadhay xarunta gobolka Jubada hoose ee Kismaayo halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Sheekha ayaa markii uu gaadhay magaalada waxaa kusoo xoomay dadweynihii ku dhaqnaa magaalada oo ay horkacayaan maamulka islaamiga ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo iyo oday dhaqameedyada doonaya inay salaamaan Sheekha.
Sheekha ayaa ilaa iyo hada ku mashquulsan qaabilida wafuuda kala gedisan ee soo booqanaysa mana jiraan wax hadal ah oo uu jeediyay tan iyo saaka markii uu gaadhay magaalada Kismaayo. Imaanshaha Sheekha ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan la filayo in magaalada laga dhiso maamul cusub.