Page 1 of 1

Dowladda KMG Oo u Magacowday Mas'uuliyiin Cusub Ahlusana

Posted: Mon Jul 16, 2012 11:14 pm
by Bro
Dowladda KMG Oo u Magacowday Mas'uuliyiin Cusub Ahlusana Waljamaaca Ee Gobolka Galgaduud

Image

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub u magacowday Gobolka Galgaduud, iyadoo maamulkan uu noqonayo kii u horeeyay ee gobolkaas u magacawday, xilli ay ku hardamayaan Culumaa'udiinka Ahlusuna iyo Al-Shabaab.

Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka dhacday Xarunta Oto-Oto ayaa looga dhawaaqay magacyada Maamulka cusub ee dowladda u magacawday Gobolka Galgaduud.

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka Bashiir Goobe oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in wareegto ka soo baxday Madaxweynaha lagu magacaabay, isla markaana ay aheyd soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha C/samad Macalin Maxamuud.

Bashiir Goobe oo aqriyay magacyada Maamulka cusub ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud loo magacaabay Axmed Yuusuf Xasan (Ciyow), Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Galgaduud ayaa loo magacaabay Saadaq Yuusuf, sidoo kale Gudoomiyeyaasha degmooyinka Galgaduud, sida Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ayaa sidooda u heynaya Mas'uuliyiinta Ahlusuna u magacawda, waxaana ay ka mid yihiin Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Macalin C/raxmaan Geeda-Qarow iyo Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taar-dhuleed.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in magacaabida Maamulkan uu ku yimid soo jeedinta talada dadka iyo Ahlusuna, isagoo ugu baaqay Mas'uuliyiinta cusub inay howshooda gutaan


C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay inay soo dhameystiri doonaan xubnaha kale ee Maamulka degmooyinka kale, iyadoo deegaanada maamulka loo magacaabay ay yihiin deegaanadii Ahlusuna gacanta ku heysay.

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa ah xoog siyaasadeed oo ka mid ah dhinacyada siyaasada Soomaaliya, iyadoo muddo afar sano gacanta ku heysa qeybo ka mid ah Galgaduud oo dagaalo kula gashay Al-Shabaab

Re: Dowladda KMG Oo u Magacowday Mas'uuliyiin Cusub Ahlusana

Posted: Mon Jul 16, 2012 11:16 pm
by The`Republic
TFG named an administration for Galgaduud.

1. TFG has no power to name a maamul for Galgaduud.
2. Presidential elections and total revamping of Somalia's government is in couple weeks.
3. This is not TFG but the Interior Minister.

He is trying to play clannish politics. Waa ka gaar inta wakhtigaadu harsan. :lol:

Re: Dowladda KMG Oo u Magacowday Mas'uuliyiin Cusub Ahlusana

Posted: Mon Jul 16, 2012 11:51 pm
by Bro
^ Its obvious Abdisamad Mo'allin is pulling some last minute strings on this. These last remaining weeks has gotten folks chasing the high merit.