Waxaa Maanta Gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud wafdi ka kooban labada Gole ee Dowlada soomaliya kuwaas oo horkacayeey Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo Federaalka Mudane C/rixman Maxamed Saalax (Bangax) iyo Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Gaarsiinta Mudane Axmed Cali Salaad Taako, Xildhibaan Abdullaahi Yuusuf iyo Xildhibaan Abdullahi Cismaan Sugule , iyo xubno ka kala socda Booliska oo Horkacayo Gen Foodcadde, Agaasimayaal iyo Xoghayno ka tirsan Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka, Gen Axmed Samatar oo kamid ahaa saraakiishii hore ee Xogga dalka Dr Abdiweli Garbacune iyo Odayaal dhaqameed iyo Siyaasiyiin ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq.
Soo dhaweyn Balaaran ayeey kala kulmeen shacabka Degmada Caabudwaaq oo si weyn ugu soo dhaweyeey magaalada caabudwaaq.
Saxaafaada ayeey kula hadleen wafdigaas Garoonka Diyaaradaha ee Caabudwaaq ,waxana ay kawarbixiyeey ujeedka safarkooda Caabudwaaq,iyo sababaha xiligan ay u yimadeen Magaalada,iyagoo u mahadceliyeey shacabka Caabudwaaq.