Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 18600
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Maxamed Cilmi Afrax oo laga taageeray degmada Dhuusamareeb

Postby FarhanYare » Tue Jan 20, 2015 7:05 am

Munaasabad lagu soo dhaweynayay, isla markaana lagu taageerayay Maxamed Cilmi Afrax Mideeye oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimadda goboladda dhexe ee dalka gaar ahaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Degmada ayaa waxaa ka qeyb galay Siihayaha Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Mahad Maxamed Salaad, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo, salaadiin, odoyaal dhaqameed, qeybaha bulshada iyo marti sharaf kale oo kulanka lagu casuumay.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedo-qorow oo kulanka soo dhaweynta ah hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kulanka soo dhaweynta ah ay u sameeyeen musharax Maxamed Cilmi Afrax Mideeye, ayna sii wadayaan taageerada ay u hayaan musharaxan.

Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka oo goobta hadal ka jeediyay ayaa shacabka ka codsaday inay codkooda ku taageeraan musharaxan u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee maamulka Gobollada dhexe ee dalka.

Axmed Diiriye Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta la socda Musharaxa ayaa tilmaamay in Maxamed Cilmi Afrax uu yahay shaqsi wax badan u qabtay bulshada ku dhaqan gobollada dhexe, isagoo waxgaradka ka codsaday inay sii xoojiyaan taageerada ay iminka u hayaan.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo ka mid ah Ugaasyada gobolka galgaduud ayaa xusay in dhankooda ay hiil iyo hooba la diyaar yihiin musharaxan, waxaana tilmaamay in ay ka shaqeyn doonaan sidii taageerada loo kordhin lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisu uu diyaar u yahay soo dhaweynta musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimada ee Maamulka Gobollada Dhexe.

Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada goboladda dhexe ayaa sheegay in muddo 23 sano ah uu ka shaqeynayay gobollada dhexe ee dalka, isagoo madax ka ah hay’adda, isla markaana uu iminka diyaar u yahay haddii uu ku guuleysto xilka uu u tartamayo inay soo kordhiyo wax u qabashada bulshada ku nool Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo suugaan ka hadlaysa horumarka Gobolka.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Galguduud”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests