Faysal C Warabe oo sir bixiyey : S/Land gool baa looga dhaliyey Istanbuul
Jan 20, 2014 - jawaab
Post Views = 196
Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid ee deegaanada maamulka Somaliland ayaa dhaliilay heshiiska magaalada Istanbul maalintii shalay ku dhexmaray Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland isagoo sheegay in heshiiska uu u xagliyey dhanka Soomaaliya.
Faysal Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in heshiiska ay wada saxiixeenlabada wafdi ee ka kala socday Dawlada Federaalka iyo maamulka Somaliland inuu ahaa mid aan xaqiiq ahayn, isla markaana aan lagu sheegin dhibaatadii gaartay, sida uu yiri dadka reer Somaliland.
“Ereygii ahaa xaquuq waa laga saaray heshiiska oo waaa lagu qoray ereyga ah “atrocity” oo ah dil dad aan hubeysneyn loo geysto, mana uusan ahayn ee wuxuu ahaa xasuuq si isir ah loogu geystay dadka reer Somaliland.” ayuu yiri Feysal Waraabe.
Feysal waxaa kal oo uu ku eedeeyay maamulka Axmed Siilaanyo ee xisniga Kulmye inau keligood heshiis la galeen Dawlada Soomaaliya, sidaas darteedna heshiisku uu yahay mid ku gooni ah, sida uu yiri xisbiga Kulmiye.
Wuxuu sheegay in Somliland u baahantahay inay dib u tashato isagoo cadeeyay in gooni isutaagii Somaliland ay sheegatay uu yahay mid la diiday, sida uu sheegay.
Mar la weydiiyey in Feysal Cali Waraabe laftiisa uu horey uga qeybgalay wadahadalka ay Somaliland la gashay Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku dooday in wadahadaladi hore ay ahaayeen kuwo saxsan balse kuwa hadda socda ay yihiin kuwo khaldamay ka dib markii, sida uu yiri laga saaray labo arrin oo waaweynaa.
“Horta inaanu labo dawladood oo wada hadlaya nahay waa la diiday oo magacii Somaliland waxaa laga dhigay maamul goboleed hoos yimaada dawlada Xamar fadhida, tan kale ee meesha ka baxdayna waxa weeye inaanu 1960-kii dawladnimo qaadanay oo aanu ahayn dawlad gooniya waa laga saaray iyana.” ayuu yiri.
“Somaliland maanta gool baa laga dhaliyey, goolkaa laga dhaliyeyna waxaa ka masuul ah nimanka saxiixay.” Ayuu sii raaciyey Feysal Waraabe.
Faysal C W oo sir bixiyey:S/Land gool baa looga dhaliyey
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Faysal C W oo sir bixiyey:S/Land gool baa looga dhaliyey
As i expected Waraabe is against the HabarJeclo maamul 
- gurey25
- SomaliNet Super

- Posts: 19349
- Joined: Thu Apr 15, 2004 7:00 pm
- Location: you dont wana know, trust me.
- Contact:
Re: Faysal C W oo sir bixiyey:S/Land gool baa looga dhaliyey
he is in aopposition, it his job to disagree.
and i agree withn him.
the Kulmiye regime is pussying out.
and i agree withn him.
the Kulmiye regime is pussying out.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 15 Replies
- 960 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 503 Views
-
Last post by GAMES
-
- 4 Replies
- 806 Views
-
Last post by mahoka
-
- 0 Replies
- 397 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 11 Replies
- 1196 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 0 Replies
- 231 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 3 Replies
- 622 Views
-
Last post by QansaGabeyle
-
- 1 Replies
- 466 Views
-
Last post by CoolPoisoninthisbijj
-
- 0 Replies
- 339 Views
-
Last post by fagash_killer
