Shilaabo 18.05.07: warar deg dega oo naga soo gaadhay shilaabo caawa saqdii dhexe ayaa xaqiijinya in ciidamada ONLF ay soo galeen degmeda shilaabo ayna u eegtahay ineey qabsadeen ciidamadii wayaanaha ee joogeey shilaabana ay kasii qulqulayaan magaalada iyagoo u sii baxsanaya dhinaca qabridahare. Wadanka Ogadenya oo dhan waxa ka socda dagaalo kulkulul oo u dhexeeya dawladda guumaysatada ah iyo ciidamada ONLF laga soo bilaabo fiiq illaa geesaha Ogadenya oo dhan waxayna guushu illaa hadda lasocotaa ciidamada ONLF.
Waxeey jabhaddu qabsatay maalmo ka hor degmada qalaafe iyo degmooyin ku dhaw dhaw ee gobolka doollo iyadoo gobolka doollo oo dhan ay kaga hadheen ciidamada Tigreegu magaalo madaxdiisa wardheer, Dhinaca kale waxa lagu soo waramayaa ineey iyana gobolka fiiq dagaalo aad u culculs oo maalmo ka socdeey kadib ay gobolka badidii ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada ONLF. Isku soo duuboo wadanka Ogadenya wuxuu ku jiraa dagaalo kuwii ugu cuslaa sanadahan iyadoo dadka ay u arkaan ineey markan guushii soo dhawdahay.
Meelo badan oo dagaaladu ay ka socdaan ayaa adag in laga helo durba war isgaadhsiinta oo liidata awgeed, laakiin waxaan aad isugu dayi doonaa inaan idinka haqabtirno wararkaas
Hanqadh.com
two towns down,more to go.





