Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Askartii Uganda ee lagu dilay Muqdisho oo Buuq ka kicisay da

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Askartii Uganda ee lagu dilay Muqdisho oo Buuq ka kicisay da

Postby Hiiraan boy » Sat May 19, 2007 3:35 am

Mogadishu 19, May.07 ( Sh.M.Network) Geerida afar ka tirsan ciidamada Uganda oo lagu dilay magaalada Muqdishu todobaadkii hore ayaa keenay baaqyo loo jeediyey madaxweyne Yoweri Museveni oo uu kaga soo saarayo dalka Somalia.
Meydka ciidamada Uganda ee laga duuliyay magaalada Muqdisho

Todobaadyo ka hor markii guuto ka kooban 1,400 oo askari oo reer Uganda ah waxa ay yimaadeen Muqdishu horaantii March, ayaa dadweynaha reer Uganda waxa ay si weyn su'aal uga keeneen xigmada ciidamadooda loogu dirayo Somalia oo mudo 16 sano ah ku soo jirtay dagaalo sokeeyey iyo qalalaase siyaasadeed.

laakiin warbaahinta dalka Uganda ayaa ilaa markii afar nabad ilaaliyaal ah lagu dilay Muqdishu, shan kalena la dhaawacay, waxa ay sameenayeen ra'yi aruurin xaga dadweynaha ah oo qaasatan laga aruurshay magaalada dalka Uganda ee Kampala, kuwaasoo badi dadka ay si weyn uga soo horjeesteen in askarta Uganda lagu sii hayo Somalia waqti ka badan lixda bilood ee loo qabtay howshooda.

Warbaahinta waxa ay sheegtay in dad badan oo reer Uganda ay ka walaacayaan in howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Somalia uu weecinayo dhaqaalo, awood iyo qeyraad kale oo lagu iloobayo dadaalkii lagu xalin lahaa khilaafka ka jira gudaha dalkooda ee mudada dheer soo jiray oo ay ku lug leeyihiin mucaaradka LRA ee ka dagaalama waqooyiga Uganda.

Waxaa kaloo jira fikrad kale oo isa soo taraysa oo laga aaminsan yahay gudaha Uganda, taasoo ah in madaxweyne Yoweri Museveni lagu riixay inuu si deg deg ah ciidamo ugu diro Somalia si uu ugu Qanciyo Mareykanka.

Aggrey Awori oo ah nin qaadaa-dhiga arrimaha siyaasada, ahna la taliyaha madaxweyne Museveni ayaa sheegay in Uganda ay ciidamada ugu dirtay Somalia sababtoo ah buu yiri waa waajib saaran wadamada Africa inay caawiyaan xiliga ay dhibaatooyinka jiraan.

Waxa uu yiri "qof kasta waa uu og yahay in marka aad ku jirto howlgal militari ay geeri ku soo wajahayso," isagoo intaa ku daray in waxa dhacay ay nasiib daro aheyd laakiin waxba kama bedeli doonto buu yiri mowqifkeenii hore.

Awori waxa uu sheegay in aysan Somalia ku tagin heshiis dhex maray xukuumadaha Muqdishu iyo Kampala balse ay ku tageen go'aan ka soo baxay Midowga Africa.

Waxa uu yiri "Somalia waa dal African ah sidaasi awgeed waxaan filaynaa in wadamada kale ee saaxiibadeena ee nagula jira Midowga Afrika ay ka dhabeeyaan balan qaadkooda ciidan-soo diris,"

laakiin dadka caadiga ee reer Uganda ayaa ka cabanaya in wax ficil ah laga la'yahay wadamada kale ee Africa, iyadoo wadamada Nigeria, Malawi iyo Brundi oo horey u balan qaaday inay ciidamo u soo dirayaan Somalia aan ilaa hadda waxba laga hayn.

Arrin kale oo dharbaaxo ku ah Uganda ayaa ah in Midowga Africa ay qireen inay heleen in ka badan 10 milyan oo doolar oo Midowga Yurub uu ku fangareenayo howlaha nabad ilaalinta, iyadoo ururka uu weli haysan lacag ku filan oo ay ku daboosho baahida howlgalka nabada ilaalinta Somalia.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Uganda Crispus Kiyonga ayaa sabtidii la soo dhaafay waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada nabad ilaaliyaasha ee dalkiisa ka socda ay ka soo bixi doonaan Somalia marka waqtigooda uu dhamaado oo ku eg bisha September.

wasiirka waxa uu sheegay inuu rajeenayo in ciidamo nabad ilaalin ah oo ak socda Q.M ay la wareegi doonaan howsha nabada ilaalinta ee Soomaaliya.

Ma cadda hadii wasiirka uu ku hadlay magaca madaxweyne Museveni, oo isagu horey uga digay in Q.M ay banaanka ka joogto Somalia, isagoo wacad ku maray inuu ciidamada Uganda ku sii haynayo Somalia ilaa buu yiri inta dalkaasi uu ka xasilayo.

Click here to find this article in english

Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: SunFromNorth and 26 guests