Israsaaseyn ka dhacday Isgoyska Howl-wadaag oo ku geeriyooday mid ka mid ah Ciidamada DFS.
Muqdisho , Sabti, May 19, 2007 Simba Radio
1-qof ayaa geeriyooday, mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray, kadib marii israsaasen dhex martay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ay maanta ka dhacday Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Agagaarka Cawro Liimo ee magaalada Muqdisho.
Warar laga helayo dadkii ka agdhowaan goobta israsaasentu ka dhacday ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii dowladda KMG ah ee halkaasi ku sugnaa labisnaana dharka tuutaha ee lagu yaqaano ciidamada dowladda ay dhexmartay israsaaseyntaasi, isla markaana uu halkaasi mid ka mid ah ku geeriyooday, halka mid kalena uu dhaawac kaga soo gaaray.
Goobjooge ka agdhowaa goobta ayaa Simba u sheegay inuu arkay mid ka mid ah dadkii halkaasi ku dhaawacmay oo lagu sido Gaari-gacan, kaasi oo ay rasaastu haleeshay.
Si kastaba, ciidamada dowladda ee ku sugan Isgoyska Howl-wadaag ayaa maalmihii ugu danbeeyay ee ay halkaasi ku sugnaayeen waxaa la arkayay iyagoo rasaas kor u ridaya, isla markaana Isgoyskaasi uu mararka qaar noqonayay mid dadka ay ka cabsadaan.



