Postby AbdiWahab252 » Wed May 30, 2007 6:30 pm
God Speed to the OLP !!!
Long Live THe Liberators !!!
Dagaalyahanno isugu jirta Soomaali iyo Shisheeye, oo la wareegay gacan-ku-haynta dhul-xeebeedka Baar-gaal ee Waqooyiga-bari ee dalka Somalia
Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 30/05/07
Ilo-wareedyo ku sugan Degaanka Baar-gaal oo ka tirsan Gobalka Bari, ayaa waxay ishaarayaan inay Dagaalyahanno aad u hubeysan oo isugu jirta Soomaali iyo Ajnabi la wareegeen gacan-ku-haynta Deefaankaasi oo 100-Km u jirta Magaalladda Bosaaso.
Wararku, waxay sheegayaan inay Dagaalyahanadaasi oo aad u hubeysan ay galabnimaddii shalay ka soo degeen Xeebta, iyagoo watay ugu yaraan saddex doonyaha lagu kalluumeysto.
Goobjoogayaal iyo Kalluumeysato ka jillaabta Xeebta Baar-gaal oo khadka Isgaarsiinta ugu waramayey Idaacadda Somaliweyn., ayaa sheegay inay Dagaalyahanadaasi aad u hubeysan yihiin, isla markaana ay wataan Hub Casri ah, oo ay ku jiraan Gantaalladda Garbaha laga rido iyo qoryaha darandooriga u dhaca.
Dhinaca kale, Boqolaal ka tirsan Ciiddamadda Maamul-gobaleedka Puntland, oo ku hubeysan Kontameeyo Tekniko ah ayaa lagu soo waramay inay barqanimaddii maanta ka ruqaansadeen Magaallooyinka Bosaaso iyo Qardho, iyagoo ku sii jeeda Deegaanka Baar-gaal ee ay dhiilladda colaadeed ka jirto.
Sidoo kale, Xubnaha Golaha Wasiiradda ee Maamulka Puntland, ayaa kulan degdeg ah ka leh sidii ay uga hortegi lahaayeen Dagaalyahannadda fariisinka ka dhigtay Dhul-xeebeedka buuraha leh ee Baar-gaal.
Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inay Dagaalyahannadda la wareegay Deegaanka Baar-gaal yihiin kuwo taabacsan Golahii Maxkamadaha Islaamka Somalia ee bilowgii sannadkan loogu itaal-sheegtay Magaalladda Muqdishu iyo Goballadda kale ee Koonfurta Somalia.
Ma jiraan warar faahfaahsan oo muujinaya halka ay Dagaalyahanadaasi asal ahaan ka soo galeen Xeebaha Degaanka Baar-gaal, inkastoo ay wararka qaarkood sheegayaan inay Dagaalyahanadaasi ka soo shiraacdeen Xeebta Magaalladda Asmara ee dalka Eriteria.
Somaliweyn Media Center (SMC)
Mogadishu, Somalia