Postby AbdiWahab252 » Thu May 31, 2007 9:36 am
Salad Jelle is BRAYING for release from the Ethiopian camp.
Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo xanibay dhaqdhaqaaqa Salaad Cali Jeelle
Submitted by alqaafiqi on Wed, 2007-05-30 15:10.
salaad
Ciidamada Wadanka Itoobiya ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay bilaabeen in ay xanibaad kusoo rogaan qaar katirsan Wasiirada dowlada Embagathi. waxaan Wasiirada Xanibaada lagu soo rogay kamid ah Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Gaashaandhiga dagaal ooge Salaad Cali jelle oo hada lagu hayo Xera meleteri oo ay Gacanta kuhayaan Ciidamada Itoobiya waxayna arrinta cadaatay kadib markii uu laxariiray midkamida Weriyaasha ka howl gala idaacadaha Muqdisho waxaana taleefanka uu kaqabtay Askari Itoobiyaana una sheegay in aan xiligan la heli karin.
iyadoona saaxadda siyaasada laga la'yahay, tan iyo markii uu xilka la wareegay dagaal ooge Maxamed dheere.
warar hoose oo ay heshay shabakadda Cadaado.net ayaa sheegaya in Salaad Cali Jeelle uu ka hor yimid magacaabista in afhayeenka dowladda looga magacaabo Cabdi Xaaji Goobdoon, taasoo dhalisay in Maxamed Dheere uu amray in Xabsiga loo taxaabo Salaad Cali Jeelle, waxaana taasi ka horyimid R-wasaare Geedi iyo Madaxweynaha Dowladda Embegati, balse arintaasi, waxaa soo dhaweeyey taliyaha ciidamadda Itoobiya Gen.Gabre.
markey arintani ay soo baxday ayaa waxaa kulan yeeshay Odyaal ay isku heyb yihiin Salaad Cali Jeelle, waxayna ku guul daraysteen in ay xariga ka sii daayaan, ninkani waxaan uu hore Xoghayn ugu ahaan jirey Maxamed Dheere xiligii uu heystay Gobolka Sh-dhexe.
Sikastaba ha ahaatee tani waxay muujinaysaa burbur ku imaanayo maleeshiyadda Embegati, ayadoona ay horey uga baxeen Xusseen Caydiid iyo Barre Hiiraale oo u adkeysan waayey xasuuqa loo geysanayo dadka Soomaaliyeed iyo Hantidooda, Jeellana waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii dalka soogaliyey Xabashida maantana Xabsiga ku dhexjira, taasi oo mujineysa inaysan kala jeclayn Soomaalida.
[b]Cadaado.net Muqdisho