The SNM revolution taking hold
Posted: Wed Jun 06, 2007 12:16 am
SNM struggle for life, liberty and human dignity is a universal struggle which is becoming embraced by others.
Dareenka xubno u hadlay dadka aan SNM ahayn: Xus loo sameeyey Gudagalkii SNM 27-31 May
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 05 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------
Hargeysa (Somaliland.org) – Marka ay hadlaan dadka aan SNM ahayn – ha noqdeen kuwa ka soo jeeda beesha SNM ama beelaha kale ee Somalilande – ay ku dhiirradaan inay sheegaan xaqiiqada taariikhda iyo meeshii uu kaga jirey, isla markaana ixtiraamo, haddii aanu ugu hambalyayn guusha halgankii SNM laga gaadhey iyo ciddii ka qaybgashayba, waa geesinimo, waa guul, waa gobannimo, waa garawshiinyo, waa geelsiin, waa ifafaalaha korriinka Garaadka ummadda, waana dawada isfaham qaran.
Way yartahay ama maba dhicin sannado badan in munaasibadaha iyo xusaska ku suntan taariikhdii halgan ee SNM ay kala qaybqaataan halgamayaashii SNM dad aan SNM ahayn, lana wadaagaan dareenkooda dhacdada xuskaas lagu suntay. Waxay u badnaayeen xusasku kuwo SNM iyo taageerayaashoodii ay isugu yimaaddaan, kagana warramaan taariikhdaasi xanuun iyo guul wixii ay lahayd, marka laga reebo ashkhaas hab-maamuuska qaran kaga soo qaybgala oo goob joogayaal ah.
Hase yeeshee, xaflad habeenkii Arbacadii toddobaadkii hore, 30kii May lagu qabtay Hotel Maansoor magaalada Hargeysa oo lagu maamuusayey xuska Gudagalkii SNM ee magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, 27 iyo 31 May 1988 ayaa ahayd mid u dhacday si ka duwan xusaska taariikheed ee halgankii SNM. Waxay ahayd madal kulmisay SNM iyo dad aan SNM ahayn, madal labada dhinacba ay hadleen, isla markaana la dumiyey deyrkii kala uur-dadabka iyo in qof la gabbado in aanu SNM ahayn iyo in aanu dadku wadaagin duruuftii halganka.
Xafladdaas oo uu soo qabanqaabiyey Haweenka Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE, waxa ka qaybgalay badiba hoggaamiyayaashii siyaasadeed iyo Milateri ee ururkii SNM inta nool ee dalka joogta oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo oo hoggaaminayey ururka SNM muddadii ugu dheerayd oo ay ku jirto markii SNM fulisey gudagalkii 27 May ee Burco iyo 31 May ee Hargeysa 1988kii, Inj. Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna ka mid ahaa xubnihii ku dhawaaqay ururka SNM 1981, in badan oo ka mid ah saraakiishii Milateri ee SNM, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiillada iyo martisharaf kale. Waxaana si ballaadhan looga hadlay taariikhda maalmahaas gudagalka, halgankii SNM guud ahaan iyo weliba dhibaatooyinka halgamayaashii SNM kala kulmay qarankii ay xorriyaddiisa sababta u ahaayeen.
Marwo Ikraan Xaaji Daauud, MPMawro Ikraan X. Daa'uud oo xubin ka ah golaha Wakiillada Somaliland, lagana soo doortay Gobolka Awdal ayaa ugu horrayn iyada oo ku hadlaysa afka haweenka xisbiga KULMIYE ee xafladda soo abaabulay, waxay sharraxaad ka bixisay ujeeddada xafladdan iyo waxyaabaha kellifey, waxayna sheegtay in 27 iyo 31 May ay ahaayeen dhacdooyinkii keenay, sababtana u ahaa 18ka May, maalinta goonni – isu-taagga iyo qaranimada Somaliland oo dalka si ballaadhan looga xuso, balse iyaga la illaawey.
"Waxaad mooddaa in aynu inta badan dhacdadii 3aad ama [maalinta] goonni-isu-taaggii Somaliland mar walba soo qaadno oo si ballaadhan u xusno, " ayay tidhi Marwo Ikraan.
"Anigu waxaan qabaa – wax waliba bilow bay leeyihiin iyo dhammaade – in labadan maalmood ee xuskooda KULMIYE soo abaabuley aad mooddo inay taariikhda Somaliland ka baxay. Marka ujeedada aanu u soo abaabulney waa xasuusin – xag xukuumaddeed, xag bulsho iyo dhallinyaradaba – in bal labadan maalmood jadwalka lagu daro, " ayay raacisay.
Marwo Ikraan, waxay sheegtay in xafladdan ay ku beegeen 30ka May oo ay u qaateen inay tahay maalin kulminaysa oo u dhexaysa 27 May oo Burco la soo galay iyo 31kii oo Hargeysa la galay, si ay bulshooyinka labada magaalo aanay u arkin in la illaawey ama la qariyey maalintooda taariikhiga ah.
Marwo Ikraan, oo ka soo jeedda Gobolka Awdal, waxay ku dhiirratey in ay sheegto in dhibaatadii iyo xanuunkii soo gaadhey shacbiga Hargeysa iyo Burco ee taageersanaa SNM aanay ahayn mid dadka oo dhami u sinnaa, balse, waxay muujisay saamaynta dadban ee uu ku yeeshay qofkasta oo reer Somaliland ah iyo inay la qaybsanayso dareenka.
"Waxaan kale oo aan rabaa oo xusuusin iga ah, Maalinta 31ka May oo aan qabo inaan la qaybsanaayo naxdinta iyo xanuunka qayb dadkeenna ka mid ah, " ayay tidhi Xildhibaan Ikraan.
Waxayna raacisay, "Waxaan filayaa in aanay ina wada asiibin dhammaanteen [dhibaatadu] haddaan Hargeysa degganayn iyo haddaan baallaheeda deganaynba. Balse, waxa xasuus mudan inaan maanta isu taago oo qaybo waaxyahayga ka maqani ay run ahaan ku geeryoodeen Hargeysa – hadday Eeddo dhashay iyo haddii Adeer dhalay iyo haddii Aabahay dhalayba. Marka iyana xusuus bay mudan tahay. Waxaanan rabaa dadkaa aan soo xasuustay iyo intii la mid ahaydba, intii xaq ku dhimatay inaan faataxada u marno".
Waxa xaqiiqo ah oo had iyo goor soo noqnoqota in, inkasta oo xorriyadda, nabadgelyada iyo dowladnimada dadka reer Somaliland ku wada nool yihiin muddada 16 sannadood ahi ay ka dhalatay guushii SNM ka gaadhey dagaalkii ay kaga soo horjeeddey nidaamkii Keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre, dad badan oo reer Awdal ah ama guud ahaan beelaha darafyadu ay cuqdad ka qabaan SNM, dhib iyo dheef, wixii halgankii SNM laga dhaxlayna uu leeyahay reer, taas oo aan xaqiiqo ahayn. Ama dhinaca kale, haddii la soo hadal qaado halgankaas iyo SNMba loo hanjabayo ama aano lala daba socdo beelihii ka soo horjeedey SNM ee taageersanaa taliskii Siyaad Barre. Hase yeeshee, marwo Ikraan, waxay muujisay in dhibaatadii taliskaasi geystey iyo dheeftii halgankuba aanay ahayn mid cid keliya ku kooban; taas oo macnaheedu yahay in wixii lala dagaalamayey uu ahaa nidaam keli-talis ah oo aan cid keliya dhib ku hayn, SNM-na ay dadka reer Somaliland wada deggan ka xorraysay Rajiim beel-beel isaga horkeenay oo hubka isugu dhiibey, kuwaas oo xorrayntaas kadib ilaa iyo hadda ku wada nool nabadgelyo, walaalnimo iyo nidaam ku dhisan talo-wadaag.
Dhinaca kale, dhammaan dadka ka soo jeeda beelihii taageersanaa SNM ma wada ahayn SNM, kamana wada qaybqaadan halgankii SNM. Waxa jirey dad badan oo ka tirsanaa nidaamkii Siyaad Barre iyo ciidamadiisii, kana soo horjeedey SNM. Hase yeeshee, isa-saamaxaaddii guud ee SNM u fidisay beelaha Somaliland wadadega iyo aaya-ka-tashigii ay soo dhexdhigtay shacbiweynaha ayaa noqotay fursad uu ka faa'iideystey qofkasta, gaar ahaan dadkii ka soo jeedey beeshii taageeraysey SNM oo qofkasta oo ka mid ahi noqday SNM. Waxa iyana nasiibdarro ah, in qofkasta oo ka soo jeeda beeshaasi uu sheegto SNM, halgankiina loo rogo hayb. Waxaana maalinkasta la maqlaa ama la arkaa qof ka mid ah dadkii ugu dhodhowaa Siyaad Barre ama kuwii ugu daacadsanaa ee u shaqaynayey oo ku faanaya halgankii SNM ama cududdii SNM ku hanjabaya, taas oo ay sababtay taladii ka cayn-wareegtey SNM oo gacanta u gashay dad aan SNM ahayn – oo hayb kasta leh – taasina ay shiiqisay raggii soo halgamey ee SNM oo laga barabixinayey talada iyo maamulka dalka, isla markaana loogu daray ixtiraam darro iyo dacaayado.
Marka haddaba, Xildhibaan Ikraan X. Daa'uud ka soo jeedda Gobolka Awdal ay muujisay dareen ay ku midaynayso dhibaatadii taliskii Siyaad Barre ka soo gaadhey dadkii degganaa Hargeysa 31kii May 1988kii iyo gobolkeeda oo aanay toos ugu dhicin dhibaatadaasi, ayaa Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay xisbiga talada haya ee UDUB-na, waxa uu u hadlay dadka ka soo jeeda beeshii SNM taageeraysey ee aan ka qaybqaadan SNM iyo halgankeedii, isaga oo si farshaxan ah u metelay xaqiiqada ay tahay inay ku dhiirradaan dadka sidiisa aan SNM ahayn.
Xildhibaan Duur oo ka hadlay xafladdaa 30kii May, waxa uu noqonayaa masuulkii u horreeyey ee fagaare ka qirta in aanu SNM ahayn, halgankii dalkan lagu xorreeyeyna aanu ka qaybqaadan. Waxana uu hadalkiisa ku bilaabay su'aal uu isweydiiyey oo ahayd sababta loogu casuumay xafladda oo lagu xusayey maalin taariikhi ah oo ka mid ah halgankii SNM?.
"Markaan eego inta iga mudan ee halkan joogta. Markaan eego inaanan mujaahid ahayn. Waxaan isweydiiyey tolow maxaa laguugu yeedhayaa?" ayuu yidhi Xildhibaan Duur.
"Waxaan isugu jawaabey, malaha waxaa la doonayaa inaad metesho inta hal aanay lahayn maalaysa. Waxaan metelayaa intii maqnayd maalintaa maqnayd ee maanta calankan iyo ciiddan xorta ah hoos hadhsanaysa ayaan metelayaa caawa, " ayuu raaciyey.
Gaar ahaan, waxa uu sheegay in wakiil ka yahay oo u hadlayo inta talada dalka haysa ee ku jira golayaasha ee aan halgankaa waxba ku darsan, kuwaas oo uu iyagana sii kala saaray.
" Laba uun baanu noqonaynaa: Nin maalintaa hagardaamo ku darsaday iyo nin sidayda ka hawl yaraystay oo kaba maqnaa, " ayuu yidhi Xildhibaan Duur.
Xildhibaanku waxa uu sharraxaad ka bixiyey dareenkaas iyo arrimo kale oo la xidhiidha oo uu ku tirtirsiyey SNM, dhinaca kalena ama kooxdiisana uu ugu tilmaamayo xad-gudubyadooda.
La soco ...........