THIS IS BAD
Posted: Wed Jun 06, 2007 5:27 pm
DAROOD MUST UNITE.
Beelaha Warsangeli Iyo Majeerteen Oo Qarka U Saaran Inay Is Farasaaraan 04 Jun 2007
Deegaanka Qalwe oo u dhexeeya Buraan iyo Balibusle kanatirsan degaamada beesha Warsangeli ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka taagan xiisad ba'an iyo isu hub urursi. amuurtatan ayaa ka dhalatay kedib markii rag u dhashay beesha Majeerteen oo ka yimid degaanka qardho ay halkaas u yimaadeen geedo jarid, si ay dhuxul farabadan halkaas uga shitaan oo ay wadamada qaliijka u dhoofiyaan. hase ahaatee waxaa durbadiiba arintaasi u cuntami weydey beesha deegaanka iska leh ee Warsangeli.
Waxayna nimankii ganacsatada ahaa ku war geliyeen inaysan ogolayn inay deegaankooda xaalufiyaan oo ay xataa geedo jarida ay dadkooda ka mabnuuceen, hase ahaatee nimankii majeerteen waxay yiraahdeen naga war dhowra waxayna layimaadeen ciidamo iyo tignikadii Cade Muuse ilaalada u ahayd, waxayna ku yiraahdeen nimankii Warsangeli niman yohow anagu dhirta nafci ayaanu ka raadinaynaa dhulkiina ayaana dhir badan leh
ee nadaaya, hadii kalese Ordaya oo geedkaad gaartaan miro ka soo goosta!.
Jaamac Daahir Qodax oo kusugan magaalada Dhahar ayaa qalabka warbaahinta u sheegay inay ciidamadoodu is abaabul ka wadaan sadex aag. Waxaana uu ku ee deeyey inay beesha Cade muuse oo huwan magaca puntiland ay ku soo duushey dhulkooda.
Waxaa xusid mudan in ay beesha Warsangeli iyo beesha Majeerteen ay sanadkii hore fooda isku dareen deegaanka Majayahan oo ah deegaan Warsangeli. Arintuna ay ka dhalatay damaaci la damaaciyey qayraadka deegaanka Warsangeli rabi ku manaystay. ayna ku guuleysteen ciidamada degaanka Warsangeli inay soo baqo eryaan maleeshiyadii ku soo duushey.
Arintaan cusub ayaa waxay ku soo beegantay waqti ay beesha Warsangeli iska ururisay qolada Puntiland labaxday xiirkii ay lalahaydna intiisii badnayd u jartay. ayna bil ka hor is casileen labo nin oo u dhashay Beesha Warsangeli kuna magacaabnaa gudoomiyaha gobolka Sanaag iyo kan degmada. Beesha warsangelina ay heshiis la sixiixatay maamulka Somaliland. Suldaanka Beesha Warsangeli iyo rag miisaan weyn ku leh beesha warsangelina uu xiriir aad u qota dheer iyo isfahan ka dhexeeyo
maamulka Somaliland.
Waxaana laga yaabaa inay Somaliland arintaan soo farageliso ugana faa iideysato siday uga faa'iideysatey xurguftii Dhulbahante iyo Majeerteen ka dhex dhacday bishii hore. taas oo ay Somaliland ku kasbatay taageerayaal iyo saaxiibo badan oo waagii hore ka soo hor jeedi jirey.