Page 1 of 1

War Degdeg: Culusow & HornAFrik Owner Freed

Posted: Thu Jun 07, 2007 12:04 pm
by AbdiWahab252
Since Hiiraanboy has taken the day, off I am his replacement:

Siyaasiyiin, saraakiil iyo ganacsato caan ka ah Muqdisho oo saacado ka dib laga sii daayey Villa Somalia ka dib markii ciidamada dowladda federaalka ay ka saaka taxaabteen Suuqa Bakaaraha

Waxaa daqiiqado ka hor laga sii daayey xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho rag isugu jira siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiil caan ka ah Xamar ka dib markii saaka 10:00 barqanimo laga kaxeystay iyagoo ku sugnaa dhismaha xarunta Telnet International oo ku yaala gudaha Suua Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dadkan saakana la xiray ee haddana la sii daayey ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha guddiga siyaasada beeesha Ceyr Dr. Maxamed Max’uud Culusow, mid ka mid ah agaasimeyaasha Idaacada Hornafrik ee magaalada Muqdisho Cali Iimaan Sharmaarke, ganacsade Maxamed Cabdulle Deylaaf iyo rag kale, Waxaa mar arintaasi uu ka hadlayey Dr. Culusow u sheegay in si xun loola dhaqmay, lana geeyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna tilmaamay in saacado ka dib la sii daayey oo isla markaana hadda ay bed qabaan

“Waxaa nala geeyey goob dadka lagu cadaabo oo ku taala gudaha madaxtooyada ahaana jirtay xaruntii baarista xisbiga oo marka aad aragto waxa ka jira ay calooshu ku gubaneyso, waxaa nala weydiiyey magacyadeena ka dibna ha la kaxeeyo oo meeshooda ha lagu celiyo ayaa la yiri ka dibna waa nala soo kaxeeyey” ayuu yiri Dr. Culusow oo sheegay in qaabka ay u socdaan howlgalada ciidamada ay ka muuqato mas’uuliyad daro.