oo kulan balaadhan la yeeshay beesha galbeedka Burco
Burco 06,June.07(Qarannews)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo oo maalmahanba ku sugnaa Magaalda Burco,ayaa Maanta kulan balaadhan la yeeshay
waxgaradaka,Odayaasha,Culimada,iyo Aqoonyahanada Beesha G/beedka Burco.
Kulankan aya isugu jiray Martiqaad Qado oo lagu qabtay Huteel CityPlaza,iyo fadhiqayilaadeed oo galinkii dambe la wada yeeshay.
Kulankii qadada ka dib ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay waxa uu yidhi “kulankan Maanta waa mid ka yimi codsi xagayga ah,socdaalkayguna waxa uu ahaa kedis oo geeridii X.Waraabe Cade ayaa u imi”ayuu yidhi.
Waxa uu intaas ku daray mar hadii aan imina waxaan doonay inaan halkan(Burco),ku hakado oo dadka iyo beelahaba kulano si aanu iskaga xogogaal waraysano Danaha Maslaxada Gobolka,Dalka ,aaraahdana isku waydaarsano.Intaasi waa inta aanu siinayno Saxaafada inala joogta,Balse Fadhigeena kalena oo galabtana waa mid gaar ah oo aany saxaafadu joogayn.”Ayuu Yidhi Siilaanyo.
Fadhi qayilaadeed oo galinkii dambe maanta ay isugu yimaadeen labada dhinac ayaa laga wadahadlay Arimo la xidhiidha Xaalada Guud ee hada dalku ku sugan yahay ,iyo Aragti midaysan ay bulshada Gobolka Togdheer u yeelanlahaayeen
.Kulankan oo saxaafada loo ogolayn ayaa markii uu dhamaaday wariye Kayse Axmed Digaale wax ka waydiinay Arimihii lagaga wadahadlayay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo,waxaanu Yidhi “Kulankani waxa uu noogu dhacay si wanaagsan oo aad u heersaraysa,waxaanan kaga wada hadalay Arimo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin Xaalada guud ee hada dalku marayo,Danaha Horumarinta Maslaxada Gobolka Togdheer,Mawqifka Guud ee ku wajahan Arinta Mandaqada Geeska Afrika,iyo Adkaynta,jiritaanka goonisutaaga Somaliland”Ayuu Yidhi.
Waxa kaloo intaa ku daray Axmed Siilaanyo in laysla gartay in Aragti Midaysan Bulshada Togdhher waxkasta ku wajahaan,Islamrkaana waxaanu u balanay in kulamo kale layskugu yimaado si hawlaha halkaa loogasii ambaqaado.
Axmed Siilaanyo,oo ka jawaabaya Mudada uu ku sugnaanayo Burco waxa uu sheegay inuu joogayo inta ay u socdaan shirarka uu la leeyahay Bulshada iyo Waxgaradka Reer Togdheer.
Kulankan Maanta ayaa ahaa mid si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qaybgaleen in kabadan Boqol Xubnood,waxaanu kii ugu balaadhnaa ee dhexmara B/Galbeedka Burco Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo,Tan iyo Intii ay dhamaatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland.
Waxa kaloo gudoomiyuhu kulamo iyo shirar gooni gooni ah la yeeshay waxgardaka iyo Odayaasha Beelaha ee G/Togdheer.
Kayse Axmed Digaale



