Postby LiQaaye_TDH » Fri Jun 08, 2007 12:50 pm
Burco(JTogdheernews)Wafuuda Ergooyinka Somaliland ayaa weli ku sii qulqulaya Magaalada Buuhoodle si ay qayb uga noqdaan Ergooyinkii Hore ugu sugnaa Halkaasi.
Ergo balaadhan oo isugu jirta Madaxdhaqameedyo,Waxgarad iyo Aqoonyahano ayaa saaka{shalay) ka ambabaxay Magaalada Burco,kuwaasoo ay hogaaminayayeen Akadamiga Horumarka iyo Nabada ee Gobolka Togdheer.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere ayaa sheegay inay Eragadani Tahay labaad ee ay Burco ka diraan,si ay uga qaybqaataan dadaalka loogu jiro waxkaqabashada shaqaaqadii dhowaan ka dhacday Buuhoodle “Waxa loo gurmanaya sidii loo daminlahaa shaqaaqadii buuhoodle ka dhacday.”Ayuu Yidhi.Badhasaabku.
Waxa kale oo Cabdi Xuseen Dheere aad ugu mahadceliyay Xafiiska Akadamiyada ee Burco,kaasoo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaateen Abaabulka iyo Ambabixinta ergooyinkan,Markasta ay tahay Hayada kaliya ee gacan ka gaysata Arimha Nabadgalyada ee gobolka.
Dhinaca kale waxa galinkii dambe ee Maanta iyagu burco dhaafay Ergo kale oo isugu jirta Salaadiin,Boqoro,Mujaahidiin,Cuqaal,kuwaasoo ka soo kicitimay dhinaca Hargaysa.
Ergadan oo uu hogaaminayay Suldaan Maxamed Xirsi Qani,ayaa waxa wehelinayay Salaadiinta ay ka mid yihiin Suldaan Nuur Faarax,Boqor Maxamuud Cali Carab,Suldan Axmed Sheekh,Boqor Saleebaan C/llaahi Xandule,Suldaan Shariif,Ibraahin Dhegaweyne,Xasan Guure iyo xubno kale,kuwaasoo u sii jeeda dhinaca Buuhoodle.
Boqor Maxamuud Cali carab oo u Waramayay Weriyahayaga G/Bariga Somaliland Mr.Kayse Axmed Digaale, ayaa u sheegay in ujeedadoodu tahay in la soo xaliyo dagaalkii dhowaan labada beelood ku dhexmaray Buhoodle,waana lagu xalinayo dhaqanka “Arintani waa arin dhaqan,waxayna u taala Madaxdhaqameedyada,Balse Maaha mid Siyaasadeed”Ayuu Boqor Maxamuud.
Waxa uu intaas ku daray inay ku dadaalidoonaan si kasta oo ay ku soo afjarayaan dhibaatada dhexmartay beelaha walaala ah.
Ergooyinka Nabada ee ku sii jeeda dhinaca Buuhoodle ayaa ka tegay gobolada Somaliland kuwaasoo ku biiraya ergooyinka ku sugan halkaasi.