(Puntland}13.6-7
Sida ay qortay wakaalada wararka ee AFP Dowlad goboleedka puntland iyo Maraykanka ayaa kala saxiixday heshiisyo qeexaya in gobolkasta oo puntland ah ay maraykanku xor u yihiin in la duqeeyo
Diyaradaha dagaalka Mareykanka oo duulimadyo joogta ah malmahan ku sameynayay degaanada hoos yimaada Puntland ayaa waxa la sheegayaa in ay qorsheynayaan in ay duqeyaan goobo ay sheegeen in y ku dhumaleysanyaan xubno ka tirsan Al-Qacida, sida laga soo xigtey saraakiil u hadashey dowladda Mareykanka.
Sida laga soo xigtey AFP wasiir u hadley puntland oo lagu magacaabo Ibraahim Cartan ayaa sheegey in maamulkiisu fasaxey duulimadyada ay diyaardahan ku dul-marayaan degaanada Puntland.
Dulimadyada diyardaha Mareykanka ayaa malmahan argagax ku ridey dadka degaanka gaar ahaan kuwa ku nool dhulka buuraleyda ah.
Markab Mareykanku leeyahay ayaa June 2 duqeyn u gaystey buraleyda ku hareraysan degaanka Bargaal halkaas oo ay puntland sheegtay in lagu diley wax ay ku tilmaameen 12 qof oo argagixsada Al-Qacida ka tirsan.
Wasiirka Maaliyada puntland mr Gaagaab ayaa sheegey in duqeyntaas lagu diley dad u dhashey wadamo shisheeye kuwaas oo uusan soo bandhigin waraaqo cadeyn ah iyo muqalo markhaati u ah warsaxafadka.
Madaxweynaha puntland ayaa BBC-da laanteeda Af-Somaliga u sheegey in uu fasaxey duqeynta Markabka Mareykanka u gaysatey Baargaal.
Deegaanka Baar Gaall oo 100 km u jira Boosaaso ayaa dhawaan kooxo dagaaliyahano shisheeye ay ku jiraan waxaa ay kula dagaalameen ciidamada Puntland iyadoo ay duqeyn sidoo kale u geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.
hj warrior.





