Page 1 of 1

XABASHI KIDNAP 40 TEENAGERS FROM MASJIDUL RAXMAN

Posted: Sat Jun 16, 2007 4:29 am
by Hiiraan boy
40 Qof oo ku cibaadaysanayay Masjidul Raxmaan ee Degmada Huriwaa oo Xabsiga loo taxaabay

Howlgal xalay Ciidamada iskaashanaya ee Itoobiya iyo Dowladda federaalka ka fuliyeen Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdiso waxay ku soo qabqabteen dad ka badan 40 ruux oo dhamaantood ku cibaadaysanayay Masjid ku yaala Degmadaas.

Dadkan oo u badan odayaal ama Waayeel waxay ahaayeen Jameecadda mar kasta Salaadda ku tukunaysa Masjidul Raxma ee Degmada Huriwaa, waxaana haatan ku jiraan gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadan lagu qab qabanaayo dadka ku jira Masaajidaha ma aha midi ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda federaalka ay qaadan waxaana ugu dambeysay dad ku dhaw 100 ruux oo shalay iyagoo Salaadii Jimcaha ku tukanayay Masjid ku yaala Geed Qalooc ee Degmada Yaaqshiid kuwaas oo la xirxiray wax yar kadib markii Labo qarax oo is xigay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Sanca iyo degaanka Siinay.

Dadkan tirade badan ee xalay laga soo qabqabtay ayaa dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in six un loola dhaqmay markii la qabanayay, lamana oga ilaa iyo hadda meel ay ku xiran yihiin.

Laakiin ujeedada Masjidkaas loo weeraray ayaa waxay salka ku haysaa sida ay sheegayan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ammaan xumada ka jirta Degmada Huriwaa balse ma cada in dadkan lug ku leeyihiin ammaan daradaas.