Postby LiQaaye_TDH » Sat Jun 16, 2007 8:46 pm
Garoowe:- Dagaal qaraar ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, dagaalkaas oo u dhexeeyey ilaalada Wasiirka Maaliyada Mr Gaagaab iyo ilaalada Cade Muuse, waxana uu dagaalkani ka dhacay albaabka hore ee ee hoolka shirarka ee Baarlamaanka Puntland.
Dagaalkan ayaa waxaa uu keeney dhimasho hal askari oo ka tirsan ilaalada Gaagaab, wiilkaasina waxa uu kasoo jeedaa Beesha Cumar Maxamuud waxanaa jira dhaawac hal askari oo kale oo isna ka mid ah ilaalada Gaagaab.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii uu furmay shirkii Golaha Baarlamaanka iyo xubnaha Dowlada iyadoo uu Cade Muuse ku sugnaa goobta shirka, waxaana soo galey Gaagaab oo ay ilaaladiisu la socoto waxana loo diidey iney soo galaan hoolka shirarka.
Ilaalada Gaagaab ayaa damacdey iney khasab ku soo galaan hoolka shirarka waxaana markaa ay rasaas is weydaarsadeen ilaalada Cade Muuse oo markaa hoolka shirka waardiye ka haysey, rasaasta ayaa socotey qadar saacad barkeed.
Cade Muuse oo ku sugnaa goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa uu markaa ku hawlanaa wada hadalo iyadoo ay dagaalkani ku dhacay si kedis.
Gaagaab iyo Cade Muuse ayaa waxaa midba kan kale ku eedeeyaa dhibaatooyinka Puntland waxana dhaboodey in Gaagaab aan xilka uu u hayo Dowlad Goboleedka Puntland laga qaadi ka reyn iyadoo dadka qaarkood ay aaminsan yihiin in labada nin ay kawada arimiyaan Puntland.
Waa markii ugu horeysey uu loolanka ka dhexeeya labada nin uu gaarey faro ka hadal, waxana nasiib daro u ah shacabka Puntland iney u taliyaan rag sidan oo kale ah oo aan xilkooda gudan karin dhiiga wiilashoodana ku daadinaya sidan u fudud.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Askarigii dhaawacmey loo qaadey Nairobi iyadoo uu laga sii dhoofiyey magaalada Gaalkacayo waxana la sheegey inuu dhaawaciisa uu yahay mid halis ah.