Page 1 of 1

President Kahin in Rome Italy

Posted: Mon Jun 18, 2007 3:02 pm
by XidigtaJSL
Madaxweyne Riyaale oo ka degey Roma, dalka Talyaaniga
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 18 June, 2007
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin oo socdaal ku mraya Yurub ayaa maanta gaadhey maanta ka degey magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga.

Sida uu sheegay war ay baahisey warbaahinta dowladdu, Madaxweyne Riyaale iyo weftigiisu waxay u dhoofeen dalka Talyaaniga, kadib markii uu Oslo, Norway ku soo gebagebeeyey booqasho laba toddobaad qaadatay oo uu ku joogey dalalka Sweden iyo Norway.

Booqashadan Talyaaniga ayaa ah mid aan hore qorshaha safarka Madaxweynaha ugu jirin. Warka dhinaca xukuumadda ka soo baxayna waxa uu sheegayaa in Madaxweyne Riyaale uu ku tegey Talyaaniga martiqaad uu ka helay dowladda dalkaas, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga.

Lama sheegin ujeeddada martiqaadkaas ama booqashada iyo arrimaha ay ka wadahadli doonaan masuuliyiinta Talyaaniga ee la sheegay inay martiqaadeen.

Waa markii u horreysey ee Madaxweyne Riyaale uu tago dalka Talyaaniga.

Talyaaniga oo lug weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, isagoo xubin ka ah ururka Midowga Yurub, isla markaana ah dalkii gumeysan jirey Soomaaliya, ka hor intii aanay la midoobin Somaliland oo xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriisku la midoobin, waxa uu si gaar ah u daneeyaa arrinta Soomaaliyadii hore ee uu gumeysan jirey, Somaliland-na lama laha xidhiidh wanaagsan.

Dareemada ilaa iyo hadda ka soo baxay socdaalkan Madaxweynaha ee Talyaaniga ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu kula kulmayo Roma Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Cabdillaahi Yuusuf ee Soomaaliya, Mr. Ceelaabe.

Madaxweyne Riyaale ayaa la filayaa inuu socdaalkiisa ku soo gebagebaynayo dalka Talyaaniga.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Re: President Kahin in Rome Italy

Posted: Mon Jun 18, 2007 3:06 pm
by The_Emperior5
viva rayaale madaxweynaha dalkeennna

ictraafkii wax yar sooner or later somaliland will get recognized

Re: President Kahin in Rome Italy

Posted: Mon Jun 18, 2007 3:07 pm
by Ceelgabo
If Italians are giving up on their former colony....

Re: President Kahin in Rome Italy

Posted: Mon Jun 18, 2007 3:08 pm
by The_Emperior5
no one can stop somaliland not italy not saudi arabia not egypt not somalia not Ethiopia
no one can

Re: President Kahin in Rome Italy

Posted: Mon Jun 18, 2007 3:20 pm
by XidigtaJSL
Recognition comes from within, Somalilanders iyagaa is ictiraafsan and its really what matters at the end of the day