Beelaha Hawiye oo si qaas ah hubka looga dhigay
Muqdisho
Sida uu ku waramay Maxamed Waasuge Gacal in Hub ka dhigid qaas ah lagu sameynayo beelaha Hawiye kaliyah in ay qalad tahay iyadoona uu yiri wali beelahii kale ee Soomaaliyeed ay heystaan hubkoodii .
Maxamed Waasuge Gacal oo maanta u waramayey Dayniile.com ayaa hadalka intaa ku daray in wax lala yaabo ay tahay in aduunka oo idil uu raali ka noqdo in hal beel oo Hawiyo ah laga dhigo hubka halka beelaha kale ee Digil iyo Mirifle, Daarood iyo Isaaqba ay heystaan Hubkooda taana aqliga bini,aadanka ma ah mid galeyso .,DFKMG waa mid ku dhisan 4 Beel iyo bar marka soo ma habooneen in Hubka si siman loo dhiga si is aaminaaku uu u yimaado
Mar aan weydiinay Maxamed Soo idinku dhib idinkuma haayo hubka hadii niigala qaadaayo soo ma haboono ayuu ku jawaabay haa waa sax lakiin waa in isku mar hubka leyska dhigaa taasaa aqliga ku haboon laakiin in la yiraahdo hubka hal beel halaga dhigo shir dib u heshiina hala qabto taasaan aniga iyo inta igu fikirka ah ay diidan yihiin ..
Waloow aysan tix galin gaar ah aysan siineynin xildhibaanada Beelaha hawiye iyadoona guryahooda loo dhacayo oo aan la siineynin xushmadii barlamaaniga aheyd
Hadalka Maxamed Waasuge ayaa ku soo aaday kadib markii hub ka dhigis aad u weyn laga sameynayo magaalada Muqdisho oo xiligaan u ah xarun DFKMG




