Postby Hiiraan boy » Thu Jun 21, 2007 12:19 pm
ogaden waan ka yaabay. no more icu but now protfg???
Maleeshiyo Ka Tirsanaa Ururkii Midowga Maxkamadaha Oo Ku Soo Biiray Maleeshiyo Beeleedka Ku Sugan Buulogaduud Iyo Xildhibaan Ka Tirsan DFKMG Oo Ka Dambeeyey Arrintaasi
Jun 21,2007
by Kismaayo-GEDO-NN
Qaar ka tirsanaa maleeshiyo beeleedkii midowga maxkamadaha oo ku sugnaa howdka gobalka Jubbada Dhexe ayaa la xaqiijiyey inay ku soo biireen maleeshiyo beeleedyo taabacsan Col.Cabdirizaq Afgaduud iyo Col.Aadan Koojaar oo ayagu bishii April dagaalo la galay ciidamo ka tirsan guutada 3aad ee ciidanka dowladda, loogana awood roondaay gacan ku haynta magaalada Kismaayo.
Afhayeenka beesha SADE ee gobollada jubbooyinka Xasan Maxamed Cali (Xasan Dheere) oo ku sugan tuulada Goobweyn oo goor dhoweyd la soo xiriiray Gedonet ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsanaa ururkii midowga maxkamadaha oo uu tiradoodu ku sheegay ilaa 220 maleeshiyo ah oo ka yimid degaano ka tirsan gobalka jubbada dhexe ay soo gaareen, kuwaasoo uu yiri inay soo abaabulay xildhibaan ka tirsan xildhibaanada dowladda federaalka oo lagu magacaabo Geele saliid asagu hadda ku sugan degaanka Buulogaduud.
Xasan Dheere oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Xildhibaanka iyo maleeshiyo beeleedka ka tirsanaa ururkii burburay midowga maxaakiimta ay la yimaadeen degaanka ay isku horfadhiyaan ilaa iyo 3 tikiniko ah iyo labo baabuur oo xamuul ah. Xasan Dheere ayaa waxaa kale intaasi ku daray inay ka warhayaan gurmadyo kale oo ka soo socdo degaanada Buaale iyo degaano kale oo la doonayo in lagu xoojiyo maleeshiyo beeleedka taabacsan Col.Afgaduud iyo Koojaar.
Afhayeenka beesha SADE oo sii wato hadalkiisa ayaa sheegay inay "Wax lala yaabo ay tahay in xildhibaan ah uu si hab beeleed ula safto oo soo aruuriyo haraadigii midowga maxkamadaha oo la ogaa ayagu iyo dowladdu waxii soo kale dhex maray, arrintaasina wax indha laga qabsan karo ma ahan, dowladduna inay mowqif cad ka istaagto ayaa la rabaa". Xasan Dheere ayaa sheegay inaysan ayagu marnaba xabadda bilaabeen, balse hadii la soo weeraro ay isdifaaci doonaan.
Goog jooge ka soo noqday jiidda hore ee labada ciidan isku horfadhiyaan ayaa Gedonet u xaqiijiyey inay labada ciidan ay isku jiraan in ka yar 3KM, goor kastana ay suurtogal tahay inuu dagaalo ka dhex qarxo oo geysto dhibaatooyin badan. Si kataba ha ahaatee, gurmadyo kale ayaa si xowli ah ugu socdo magaalada Kismaayo gudaheeda iyo degaanada ku dhow dhow, iyada oo la arkayey baabuurta dagaalka oo ay ka buuxaan ciidamo hor ah ku sii qulqulaya degaanada ay labada dhinac isku horfadhiyaan.
GEDO-NN-Kismaayo News Desk