War degdeg ah Askari katirsan ciidamada DFKMG oo la dilay iyo israsaseyn ka socota dhinaca
Muqdisho
War hadda naga soo gaaray dhinaca Isgooyska Soobe ayaa sheegaya in dhawaan halkaasi lagu dilay Askari ka tirsan ciidanka DFKM G iyadoona ragii dilay ay wateen baabuur cad oo ah kuwa yar yar.
Dilka Askariga yaa noo xaqiijiyeen dad marayey halkaa kuwaas oo ka gaabsaday in la magacaabo sabab dhinaca amaankooda ah
Dilka Askariga kadib ayaa waxaa meesha ka bilaawday Israsaaseyn xoogan oo dhex martay laba ciidan oo aan lagaraneyn mid ka mid ah halka dhianca kale yahay ciidanka dowlada ee halkaas ku sugan.
Magaalada Muqdisho oo maalmahaan noqotay meel aad u cabsi badan iyadoona magaaladaan ay gacanta ugu jirta DFKMG kuwaas oo heysta ciidamo aad u tira badan kuwaas ilaa iyo hadda sugu la amniga magaalada



