Dagaalo Kharaar oo saaka ka soconaya Kismaayo.
(WYNET)Kismaayo:- Dagaalo qaraar ayaa ka bilowday goordhaweyd tuulada Buulo Gaduud ee duleedka Waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Dagaalkaan oo bilowday daqiiqado ka hor ayaa la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo wali aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo ah mid aad u culus.
Tuulada Buulo Gaduud oo dagaalka uu ka qarxay saaka ayaa waxaa horay ugu sugnaa ciidamii horey looga soo saaray magaalada Kismaayo 23 kii Aprill oo uu hogaaminayey Col. C/risaaq Afgaduud oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Qaranka.
Dagaalkaan ayaa salka ku haya sida la sheegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo oo ay ku loolamayaan labadani maleeshiyo oo ka wada tirsan guutooyinka koowaad iyo 3aad ee ciidamada dowladda.
Xalay ayay aheyd markii iska horimaad muddo socday uu ku dhex maray labadangarab ku xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo,taas oo keentay in saaka dagaalku gaaro Tuulada Buulo Guduud iyo nawaaxigeeda.
Xiisadda dagaal ee ka jirta Tuulada Buulo Gaduud ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha magaalada Kismaayo oo ay ka soconayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaaan Xoogaga hadda gacanta ku haya magaalada.
Tuulada Buulo Gaduud ee dagaalka uu ka qarxay ayaa u jirta magaalada Kismaayo 12KM,waxaana laga baqayaa in dagaalku uu magaalada soo galo daqiiqad walba.
Wixii ku soo kordha kala soco Shabakada Waayaha.net Daqiiqad walba.
Waayahanet@hotmail.com