Page 1 of 1

Majeerteen militia wiped out again

Posted: Fri Jun 22, 2007 6:57 am
by adanboy
Now what MJ?where is the damn TFG??? Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing



Click here to find shabelle news in English

Mogadishu 22, June.07 ( Sh.M.Network) In ka badan 2 ruux ayaa ku geeriyootay inta la ogyahay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib dagaalo xoogan oo saakay ka bilowday tuulo ku taala duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, iyadoo dagaaladaasi lagu kala qabsaday gawaari dagaal iyo fariisimo ciidan.

Dagaalkaan oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah oo ka soo kala jeeda beelaha Sade iyo Puntland ayaa waxa uu bilowday abaarihii 9:30 daqiiqo, waxaana yara qaboobay 12:30 kii duhurnimo sida uu ku soo waramay Wariye ka tirsan shabelle oo maanta gaaray Tuulada Buulo gaduud.

Cool Maleeshiyooyinka Beelaha Sade ee gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay jiireen kuwii kale ee fariisinka u aheyd deegaanada Buulo Gaduud iyo Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo oo uu hogaaminayay Col. C/risaaq Afgaduud oo ay isku heyn yihiin Madaxweynaha dowladda KMG ah Cool .

Sarkaal sare oo u hadlay Maleeshiyooyinka Beesha Sade kana gaabsaday magaciisa ayaa waxa uu shabelle u sheegay in ay ku qabsadeen dagaalkaasi 6 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo abaanduulihii qeybta koowaad ee ciidamada Col. Aadan Boojaar.

Tuulooyinka Buulo Gaduud iyo Goobweyn ayaa haatan dagan, iyadoo ay gacan ku heynteeda ay la wareegeen maleeshiyaadka maamula magaalada Kismaayo.

Lama oga wali halka ay cirib iyo jaan dhigeen ciidamadii uu hogaaminayay Col. Afgaduud, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in wali ay isaga soo horjeedaan labada dhinac oo israsaaseyn ay ku dhex mareyso tuulooyin kale oo ku dhow dhow goobtii lagu dagaalamay saakay.

Ilaa iyo wali lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, laakiin labo dhimasho ah iyo labo kale oo dhaawac ah ayaa la soo gaarsiiyay Isbitalka magaalada Kismaayo.

Click here to find shabelle news in English

Shabelle Media Network Somalia