Xildhibaano laga hor istaagay inay ka dhoofaan garoonka Baydhabo
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federalka KMG ayaa laga hor istaagay inay ka dhoofaan garoonka diyaarada ee magaalada Baydhabo xili ay xildhibaanadaasi isu diyaariyeen inay u amba baxaan magaalada Nairobi Xildhibaanadan ayaa kala ah Cusmaan Xasan Cali Caato C/rashiid Xiddig iyo Xildhibanad Nasro C/Salan ayaa waxaa ugu galay diyaarada gudaheeda Madaxa amaanka ee madaxtooyada ninka lagu magacaabo Col. Cabud waaq oo mudanayaashaas oo ay fiiso u waday diyaaradaas ku wargeliyay in amar lagu soo siiyay in uu joojiyo socdaalka Xildhibaanada ku aadayaan magaalada Nairobi mudanayashaas ayaa caro weyn ka muujiyay is hor istaagaas lagu sameeyay socdaalkooda.
Xildhibaan Caato oo aan kula xiriiray qadka telfoonka ayaa ii sheegay inuu jidka ku sii jiro kuna sii socdo degmada waajid isagoo ka gaabsady inuu wax jawaan ah ka bixiyo sida uu arko is hor istaaga lagu sameeyay isaga iyo mudanaha kale arintan ayaa waxay ku soo aaday xilli uu jiro mad madow siyaasadeed oo soo kala dhex galay Xildhibaan Caato iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowlada KMG, Mudane Caato ayaa ujeedada safarkiisa Nairobi lagu sheegay inuu la kulmi lahaa Gar yaqaan u dooda isaga.




