Postby Hiiraan boy » Mon Jun 25, 2007 12:56 pm
Ciidamadii Isku Hayay Gacan Ku Haynta Kismaayo Oo Dagaal Fooda Isdaray Markale
News (Kismaayo}25.6-7
Dagaal qadhaadh ayaa ka dhacay tuulada Canjeel oo ka tirsan gobolka jubbada hoose kana xigta magaalada kismaayo dhinaca koonfured............................................
Coll Qoojaar oo ah taliyaha ciidamada gobolka jubbada hoose iyo malayshiyo beeledka gacanta ku haya magaalada kismayo ayaa dagaal xoogan ku dhex maray deegankaasi.
Weerar ay qaaden malayshiyada ku sugan magaalada kismayo ayaa dagaal qadhaadh ay isaga hor yimaaden ciidanka dowlada oo ay baryahaan dagaal kula jireen oo iyaga ku sugan tuulada canjeel oo kismayo u jirta 40 km
saaka waxaa magaalada kismaayo ku waabariisatay diyaarado dul heebaabaya hawada magaalada kismaayo, aanan heybtooduna la garanen, malaysihyada gacanta ku haysa magaalada kismayo ayaa markii danbe diyaarada ku riday rasaasta ka dhacda qoriga loo yaqaan zuuga.
Sidoo kale wali waxaa magaalada kismayo ka soconaya dhaca loo gaysanaayo hantida sida gaarka ah loo leeyahay sida gawaadhida iyo waliba guryaha oo la baaranaayo
Arimahaas oo ay go,aan ka soo saaren odoyaasha beesha sade ee gacanta ku haya magaalada kismayo ayaa ilaa hada wax ka hirgalay aysan jirin, .
Dhanka kale Odayaal sheegtay inay huwan yihiin magaca Beelaha Hawiye ayaa sheegay in howlo dhex dhexaadin ah ay u aadi doonaan Magaalada Kismaayo, si u dhameeyeen Xiisadaha ka jira Magaaladaas. .
Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan ayaa la sheegay inuu hogaamin doono Wafdiga Beelaha Hawiye ah oo Magaalada Kismaayo u baqooli doona dhowaan.
Ma cadda qaabka ay u wajahayaan dhex dhexaadinta Dhinacyada isku haya Gacan ku heynta Kismaayo iyo sida ay suurta gal u noqon karto in labada dhinac ay isa soo hor fadhiisiyaan.
Maalinmadii Jimcaha ayay aheyd markii Dagaal xoogan ay ka dhaceen gudaha iyo daafaha Magaaladaas,
Widhwidh Online News Desk..Media Center