SUNIJIIF : Nabadoon la dilay
Posted to the Web Jun 13, 16:47
Sunijiif:-Agagaarka Tuulada Sunijiif ee gobolka Nugaal ayaa goordhow waxaa lagu dilay nabadoon magaciisa lagu sheegay Abshir Ismaciil Guray oo ka mid ah nabadoonada Yaka-Yaka ee gobolka Karkaar kadib markii gaarigii uu saarnaa jidka loo galay.
Dilka nabadoonka ayaa waxaa la sheegayaa in loo dilay aano-qabiil , waxaana la sheegayaa in gaariga uu marxuumkan saarnaa ay ku dhawacmeen ilaa 3 qof kadib markii rasaas ooda looga qaaday.
Maydka Marxuumka iyo dadkii dhaawacmayba ayaa waxaa la keenay Isbataalka Guud ee Garoowe , halkaasi oo dhaawaca iminka lagu daawaynayo.
C/laahi Cali Ciise
Boosaaso , Puntlandpost.com




