FAKE NEWS U TIGRE LOVER
“Meel ay Salaadiintu ku tidhi odayaashaas (Hawiye) la kulmi mayno ma jirto”
“Waxaanan u arkaa in ay xaq tahay in lala kulmo, waxay ka hadlayaana la dhagaysto.”
“Nin-kaasi Salaadiinta Xoghaye uma aha, Af-hayeena uma aha, waa shakhsi caadi ah oo dadka ka mid ah. Waana denbi culus waxaanu nagala tashan ama aanu naga arrag hadii uu soo qoray,”
Boqor Maxamuud Cali Carab iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani
“Beelaha Hawiye wax ixtiraam ah, aqoonsi ama taageero ah shacbiga
Somaliland kamuu helin. Sidaas awgeed …Salaadiinta Somaliland aanay laaqi u ahayn inay ula kulmaan hab dhaqan,”Cali Qoryoolay
Hargaysa (Ogaal)- Qaar ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa jawaab beenin ah ka bixiyay war Jimcihii shalay lagu faafiyay wargayska Haatuf iyo shabakadaha Intarnetka qaarkood, kaasoo sheegayay in Salaadiinta Somaliland ay go’aan ku gaadheen inaanay la kulmayn oo qaabiley wafti odayaal dhaqameed ah oo ka socda beesha Hawiye oo ku sugan magaalada Hargaysa.
Waftigu maxay yidhaahdeen?
Xubnaha Waftiga Beesha Hawiye ee Hargaysa ku sugan oo khamiistii Ogaal Warkoodu ku soo baxay, waxa ay sheegeen in qasdiga Socdaalkoodu la xidhiidho arrimo dhaqan, Islamarkaana aanay wax siyaasad ah ku shaqo lahayn.
Ugaas Cabdilaahi Ugaas Faarax, Caaqil Xasan Maxamed Xabad, Caaqil Daahir Maxamed Cali, waxa xog-waran Ogaal la yeeshay ku yidhaahdeen, “Imaatinkayagu wuxuu ahaa Imaatin balaadhan, waxaana na soo diray shir ay beelaha Hawiye u dhamaayeen, oo ay ka qayb-galeen Aqoon-yahanka, duubabka iyo hogaanka dhaqanka beesha Hawiye. Waxaanu aragnay dad badan oo Salaadiin iyo hogaan-dhaqameedyo ahaa. Weli waxa noo dhiman wax isla go’aamintii ama dantii aanu annagu u nimi isla meel dhigiddeedii.
Dad badan oo siyaasiyiin ah oo Somaliland ahi waxa ay qabaan inaanu arrimo siyaasadeed wadno. Saaxiibaanu ku lahayn magaalada oo umaanu tegin, islamarkaana, waxaanu is nidhi shakhsi shakhsi ha ula kulmina sadex-da xisbi ee dalkani leeyahay, si aanu iyaga dhexdooda tuhun u kala gelin. Dadka dhaqanka ee aanu u socono, markay wax noo dhamaadaan ee aanu meel wax isla dhigno, inaanu war guud oo beeshu wada dhagaysato siidayno ayaanu rabnaa. Markaa wax kale uma socono, khiyaamo uma socono, kuwa warka kala qaadana ma nihinoo Oday dhaqameed war ma kala qaado aan daawo ahayn, ee dadka ayuu isu keenaa, isu ururiyaa, iskuna dayaa inay dadku is fahmaan, balse is faham laba Gobol ma wadno maanta. Markaa, dano aanu leenahay oo dadka iyo dalka ah ee aan ahayn kuwa siyaasada, ayaanu u nimi. Ha goobina markaa inaanu nahay niman siyaasad qoolaya ama dhaqanka qoolaya ama siyaasi kale la gelaya. Hadaanu sidaa ahaan lahayn mar hore ayaa meelo badan lanagu arki lahaa. cid dulmiyi mayno, cidna iska horkeeni mayno, cidna war u kala qaadi mayno, ee madaxda dhaqanka Somaliland uun-baanu rabnay inaanu xidhiidhkooda iyo waxa maanta anaga (Hawiye) na haya ee dhib ah aanu u sheegno.
Dabcan, nin aad wax u sheegatay, waxaad u sheegatay inuu wax kaala qabto ayaad ka rabtaa inta ay doonto ha le’e kaatee. Cali Mahdi anigu shakhsiyadiisa waxba uga sheegi mayno. Gudiyada Gobalada uu u kala diranayayna anagoo kale iyo cid dhaqan ku shaqo leh maahee, waxa weeye, Xubno ka soo jeeda Gobolada loo dirayo oo markaa hogaamiye dhaqamadeedkooda ku soo qancinaya ka qayb galka shirkaasi, laakiin, anaga oo kale ma noqon karaan, mana nihin”
Waxa ay sheegeen oo kale in taradooda guud ka badan-tahay 30-xubnood, islamarkaana ay mudo haatan dhowr bilood laga joogo kulan la yeesheen shirgudoonka Guurtida.
Jawaabta ka danbaysay.
Hadalkaas waftiga ee saxaafadu faafisay ka dib waxa jimcihii shalay ( July/06/07) ku soo baxay wargayska Haatuf war ciiwaankiisu ahaa “Salaadiinta Somaliland oo shaaca ka qaaday in aanay la kulmayn odayaasha Hawiye ee Hargaysa yimi.” Kaasoo ka soo jeeday war-saxaafadeed uu wargaysku sheegay inuu ku saxeexnaa xohayaha Golaha Salaadiinta Somaliland Cali Dool Axmed (Cali Qoryoolay),. War-saxaafadeedkaa oo shabakadaha Internetka qaarkoodna lagu faafiyay waxa uu u dhignaa sidan: “Waxaan halkan kaga jawaabaynaa, war naga yaabiyay oo kusoo baxay wargaysyada
Hargaysa maanta oo khamiis ahayd. sida uu u qorraa warkaas Cinwaankiisu wuxuu
ahaa,odayaal wefti ah oo ka socda beesha Hawiye oo Hargaysa u yimid siday
jaraa’idka u sheegeen inay la hadlaan madaxdhaqameedyada Somliland , marna waxay
xuseen inay la kulmayaan golaha Guurtida ee Dowladda Somaliland. Iyaga oo sheegay inay halkan u yimaadeen sidii ay ciddii ay la kulmaan ajandaha ay kalahadlayaan uu yahay Mid dhaqameed oo mushkiladda maanta haysata beesha Hawiye ku saabsan. hadana weftigan Afhayeenkoodu wuxuu sheegay in aanay cidna fariimo u kala qaadaynin, Hadaba markii ay Salaadiinta Somaliland arrintaa su,aalo iska weydiiyeen ,waxa usoo baxday dhowrkan arrimood .
1) in sida ama nidaamkii uu weftigani Hargaysa ku yimid aanay waafaqsanayn ,hab
dhaqanka Somaalida iyo xeerarka dhaqameed ee xurmada mudan , maxaa yeelay, imaatinkoodaba cid madaxdhaqameedyada dalka ahi ma aanay ogayn, ee sidii niman ganacsato ah ayay diyaaradaha usoo raaceen, oo ay isaga soo degeen, sidaa awgeed aanay laaqi u ahayn madaxdhaqameedyada Somaliland inay ula kulmaan hab dhaqan.
2) Iyada oo mushkilladda maanta muqdisho ka jirtaa aanay ahayn mushkilad dhaqan balse ay tahay mushkilad siyaasadeed, sidaa awgeed aanay suuragal u ahayn in madax dhaqameedyada Somaliland beel ama cid kale kala hadlaan mushkiladdaas siyaasadeed ee dowladihii caalamka oo dhammi xalkeeda maaro u waayeen ee Xamar ka jirta,
3) Sida hab dhaqanka Somalidu yahayna beelaha jaarka ah ee xoolohoodu ceelasha ka wada cabbaan,ee daaqsinta wadaaga ayaa xeer dhaqameed isugu yimaado, balse marka Maanta la eego Beelaha Hawiye iyo bulshada Somaliland wixii isu keenay ee isku xidhay wuxuu ahaa siyaasad wadaagii ka dhashay midnimadii Jamhuuriyaddii Somaliland 1960-1991dii, taasoo shuraakadeedii ay 50 kun ee ruux kaga dhinteen shacbiga Somaliland,ilaa maanta oo 16 sano ay Somaliland dowlad Gaara ahaydna aanay beelaha Hawiye wax ixtiraam ah, aqoonsi iyo wax taageero ah aanu shacbiga Somaliland ka helin. Sidaas awgeed ay weftigani marin habowsan yihiin, khaladna ku socdaan ciddii sidaas kula kulantana ay noqonayso cid Khiyaamo qaran ku shaqaynaysa oo dembiile ah,laguna qaadi doono qaraarkii digniinta ahaa ee baarlamaanka Somaliland ka soo saaray, kuna sheegay in muwaadiniinta, ururada bulshada, madaxdhaqameedyada, aqoonyahanada, saxaafadda, golayaasha qaranka in qofkii sinaba uga qayb qaata,ama uga qayb gala ama ugu ololeeyo arrimaha iyo shirarka dib u heshiisiinta ee xalka loogu raadinayo mushkiladaha Somaliya loo aqoonsanayo qof khiyaamo qaran ku kacay, maxmad sharci ahna lasoo taagi doono, Ugu danbayntii xukumadda Somaliland waxa la gudboon inay waajibaadkeeda qaran u gudato si waafaqsan dastuurka iyo qaraarada sharciga ah ee golayaasha kasoo baxay, nimankaasna haddii ay ka noqdaan wixii ay sheegeen iyo ujeedadoodii khaldanaydna sida dadka muslinka ah ee dalkan ku nabadda gala ayay ahaanayaan, haddiise ay war kale kasoo celin waayaan warkoodii hore ,hay,adaha dowladda ee qabilsan dadka bilaa sharciga kusoo gala ama dadka liddiga ku ah nabadgelyada Somaliland ayay u taalaa arrintoodu.”
Jawaabta Salaadiinta
Soo bixidii warkaa ka dib, waxa wargayska Ogaal shalay la xidhiidhay qaar ka tirsan madax-dhaqameedka Somaliland, kuwaasoo uu wax ka weydiiyay sababta kaliftay qaadacaada la kulanka waftiga beesha Hawiye ee Hargaysa ku sugan. Hase-yeeshee xubnaha nala hadlay waxay beeniyeen warkaa uu soo saaray Cali Dool Axmed ee sheegayay in ay Salaadiintu go’aansatay. “Waxba kama ogi arrintaas, mana jirto meel aanu go’aankaa ku gaadhnay. Meel Cali Qoryoolay xoghayn Salaadiin ugu yahayna ma ogi.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani. Suldaanku waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Waftigan Hawiye maan arag, horena maan u maqal hadda ka hor. Xidhiidh hore oo markay xagaa ka imanayeen ay nala soo sameeyeena ma jirin, markii ay yimaadeena nalamay soo xidhiidhin, in ay joogaana hadda ayuun-baan maqlay. Markaa haday-na doonayaan iyaga ayaa noo imanaya, salaadiintaana ka tashan karta haddii ay anaga noo socdaan la kulan kooda.”
Dhinaca kale boqor Maxamuud Cali Carab oo aanu aarrintaa wax ka waydiinay ayaa ku jawaabay, “Odayaal beelaha Hawiye ka socdaa in ay yimaadeen waa la sheegayay, Laakiin wax xidhiidh ah oo ay nala soo sameeyeen ma jiro, meel aanu ku go’aansanay inaan lala kulmina ma jirto. Ummada hadii ay u socdaan, Umada ayay u taalaa talada iyo waxa laga yeelayaa. Wixii ka soo baxa ayaana laga tashan karraa ama la qiimayn karaa. Laakiin, waxay ku xukuman yihiin inaan lala hadlin, haybadayada iyo karaamadayada wax noqon karra umma aragno, meel la isugu yimina maanaan maqal, af hayeen Gole Salaadiineed o oaf-kayaga ku hadli karaana ma jiro, waana denbi culus, waana jariimad.”
Boqor Maxamuud Cali Carab mar aanu sii waydiinay in u jeedadiisu tahay Cali Qoryoolay xog haye uma aha Salaadiinta iyo in kale, wuxu yidhi, “Salaadiinta Xoghaye uma aha, Af-hayeena uma aha, waa shakhsi caadi ah oo dadka ka mid ah. Waana denbi culus waxaanu nagala tashan ama aanu naga arrag hadii uu soo qoray, sidee ayuu u odhan karaa. Hadii uu xoghaye yahay sow nooma yimaadeen anaga oo waxaanu u dhiibno ma gudbiyeen. Arrintiisana waxbaanu iska waydiinaynaa, danbi Culus ayaanan anigu u arkaa, wax aanaan odhan oo Salaadiinta reer Somaliland odhan, wuxuu doono ha sheegtee marka uu sheegayo danbiga ka culusi waa maxay?” Boqor Maxamuud waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, “Meel aanu ku nidhi odayaasha waftiga ah la kulmi mayno ma jirto, af aanu odhan karro midna maaha. Arragti ahaana markaan kuu sheegana la kulmi mayno ma odhanayo. Waxaanan u arkaa in ay xaq tahay in lala kulmo, waxay ka hadlayaana la dhagaysto. Qofka bina-aadmiga ah in la dhagastaa xaq weeye. Markaa waxay la yimaadeen in la dhagaysto anigu waan waafaqsanahay mabda ahaan.”
Boqor Maxamuud mar uu wargayska Ogaal sii waydiiyay, bal in weli waftiga Odayaasha beesha Hawiye ee Hargaysa joogaa ay la soo xidhiidheen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay. “Maya, weli xidhiidh aan anigu ogahay kama hayno. Saaliidiin ahaana waxaanu ka tashanay oo aanu nidhi maxaynu ka yeelaa ma jirto. Xidhiidhkii u horeeyayba hadaanay nala soo samayn xagee ayaanu ka bilaabaynaa?”
http://www.somaliweyn.com/pages/news/Ju ... uly15.html