arsaxaafaded ay soo saareen maamulka shabakda QARAN: Digniin iyo Xusuusin ku socota Ururka Isku magacaabay QARAN
Warsaxaafdeed
Ku: Ururka Qaran
Ku: Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland
Ku: Xeer Ilaalinta Jamhuuriyada Somaliland
Ku: Xisbiyada Mucaaridka ah
Ku: Saxaafada Somaliland
Ku: Shirkadaha Ganacsiga
Ku: Cid alaale iyo cidii ay qusayso
Waxaa dhammaan dadka reer Somaliland ee jecel inay xog ogaal u noqdaan wararka iyo hadba xaalada dalkoodii uu marayo ay hadba wararka ugu dambeeyay kala socdaan warbaahinta kala duwan ee wararka. haddaba wakhtigan (technological era) ee aynu hadda ku jirno waxaa ku soo kordhay guud ahaan warbaahinta dunida iyo gaar ahaanba tan Somaliland wararka lagu daabaco Sheekadaha barta internetka oo aad iyo aad dad badan ugu sahashay inay si haqab li’i ah uga dhergaan wararka iyo xaalada dalkii marayo. Wararkaasi oo inta badan khuseeya dhinacyada kala duwan ee nolosha. Haddaba in ka badan muddo shan sanno ah waxaa ka mid ahayd shebekadaha wararka ee soo gudbiya wararka Somalida shebekada QARANNEWS. Shebekadani waxay markasta dadaal iyo wakhti u hurtaa sidii ay guud ahaan ummada afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna dadka reer Somaliland ugu soo gudbin lahayd warar madaxbannaan oo laga soo xigto ilo sugan (reliable resources) lehna tixraac. Wararka ay shebekadani soo gudbisaa waa warar dhexdhexaad ah oo aan cidna u xaglin. Waxaa kale oo shebekadani dadaal badan ugu jirtaa xil iyo masuuliyadna iska saartaa inay iska ilaaliyaan waxkasta oo wax u dhimaya Qaranimada iyo Midnimada shacbiga reer Somaliland ee aanu aadka ugu hanka waynahay sida ay u suurtogeliyeen inay si habsami ah isu maamulaan iyadoo dalku uu yahay dal dagaal ka soo baxay oo duruufo badani la soo gudboonaadeen. Dadka reer Somaliland taas waxaa u suurtogeliyay oo ay duruuf kasta oo adag oo la soo gudboonaata kaga baxaan midnimo iyo wadajir iyo weliba himilada dadka reer Somaliland oo ah mid fog. Sidaas darteed markii aanu go’aansanay hirgelinta shebekadan ujeedada aanu ka lahayna ahayd inaanu gaar ahaan dadka reer Somaliland ee qadarinta mudan si siman ugu soo gudbino wararka ay baahida badan u qabaan ee ku saabsan dalkooda iyo xaaladiisa, taageero buuxdana siino Qaranimada iyo Midnimada saldhiga u ah himiladooda fog ee ay ku liibaani doonaan, ayaanu haddaba markii aanu ka fekernay magaca ku haboon fikirkaas sare ee saldhiga u ah koritaanka Qaran leh nabadgelyo sugan, cadaalad loo siman yahay, kobac dhaqaale iy daryeel ay ummadiisu hesho oo runtii dariiqa loo marayaa uu qodxo badan yahay, waxaanu isla garanay inaanu qaadano magaca QARAN oo fikirkaasi lagu liibaani karo ka turjumaya. Fikirkaas sare oo ka muuqda habka aanu ummada reer Somaliland wararka ugu soo gudbino, shebekaduna ay ku mutaysatay inay shacab aad u badan oo ku sugan dalkii iyo daafaha aduunkuba hadh iyo habeen u soo raadsadaan wararka iyagoo og in wararka aanu soo gudbinaa ay yihiin kuwo sugan oo raadraac sugan leh ahna kuwo aanu ku muujinayno dhaqanka ama (Values) ka saxaafada sida (Professionalism, impartiality, objectivity, freedom of expression, balancing rights and responsibilities of journalism,etc). Sidoo kale shabkadan qaran waxa ay ku guulaystay in ay tahay shabakda loogu soo galitaanka badanyahay shabakadaha laga leeyahay ama ku abtirsada magaca Somaliland.
Haddaba haddii aanu dulucda qoraalkan u soo degno, waxaa dad bani ka war qabaan in dhawaan Jamhuuriyada Somaliland lagaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo loo bixiyay (QARAN). Ururkan oo ay hogaaminayaan Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Eng Maxamed Xaashi Cilmi. Haddaba ururkani wuxuu xadgudub ku sameeyay xuquuqda haysashada ama lahaanshaha magacyada (Copy rights). Sida aanu kor ku soo sheegnay Shebekada wararka ee QARAN waxay hore uga diiwaan gashatay magaca dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Haddaba tan iyo intii la aasaasay urur siyaasadeedkan QARAN, waxaa dhib badan la kulma weriyayaashayada oo had iyo jeer la waydiiyo QARANTEE ayaad ka socotaan iyo su’aale kale. Magacanina wuxuu jahawareer geliyay magacii shebekada QARAN, iyada oo ay la soo gudboonaatay wariyayaashayda iyo masuliyiinta shabkada Qaran, hakad iyo dib u dhac ay kala kulmaan jaha wareerka ay abuurtay magacan laga garab taagay ee ururkan QARAN.
Waxaanu haddaba ka codsanaynaa in madaxda ururkan cusubi dib isugu noqdaan oo raadsadaan magac kale oon cidi sidanin xaquuqdiisana ay iyagu iska leeyihiin. Xuquuqda magacan QARAN waxaa si sharciyan ah u leh shebekada QARAN NEWS oo maamulkeedu ku sugan yahay dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Haddaba haddii aanay fulin madaxda ururkan cusubi codsigan aanu u soo gudbinay, waxaanu qaadi doonaa talaabooyin waafaqsan sharciga haysashada magacyada anagoo dalka gudihiisa ka bilaabi doona legal challenge. Haddii uu ururkani damco inuu ka furto xafiisyo dalka dibadiisana waxaa aad noogu sahlan inaanu taas ka hortagno anagoo adeegsanayna sharciyada u yaala lahaanshaha xuquuqda magacyada.





