Howl-gallo burcad sifeyn ah oo laga fuliyay gobolada Hiiraan iyo J/hoose
Click here to find this article English
Kismaayo 09, July 07 ( Sh.M.Network)- Ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 10 dableey ah oo isbaarooyin u yiilay dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.
Col. Cabdi Xuseen Warsame oo ah taliye K/xigeenka ciidamada amaanka magaalada Kismaayo oo shabelle u waramay ayaa sheegay in howl-gallo ay ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ay ku soo qabteen ilaa 15 maleeshiyooyin hubeysan oo lacago baad ah ka qaadan jirey gaadiidka, dhibaatana ku ahaa dadka rayidka ah.
" Waanu sii wadi doonaa howl-gallada aanu ku soo qabqabaneyno kooxaha dadka baada, isla markaana ay horkeeni doonaan cadaaladda" ayuu yiri Taliye K/xigeenka.
Waxa uu sheegay in howl-galkooda uu ka dambeeyay ka dib markii cabashooyin badan ay ka yimaadeen gaadiidka ku safra duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale ciidamada nabadgalyada gobolka Hiiraan ayaa howl-gal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen kooxo dableey ah oo jidgooyo u tiilay qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Howl-galadaan lagu qabqabanayo kooxaha dadka dhibaateeya oo galay maalintii labaad ayaa ciidamada dowladda waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa tuulada Halgan iyo degmada Buulo Burde, iyadoo halkaasi lagu qabqabtay ilaa 3 dabley ah sida uu ku soo waramay wariyaha shabelle ee gobolka Hiiraan, Cumar Kiyoow




