Beesha Sade oo qaadacday ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta qaran
Click here to find this article English
Kismaayo 09, July 07 ( Sh.M.Network)- Afhayeen u hadlay beesha Sade ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliyeed oo lagu wado in uu ka dhaco bartamaha bishaan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka golaha dhaqanka beesha Gacanta ku heysa magaalada Kismaayo C/Naasir Xirsi Shaarib , ayaa war uu siiyay suxufiyiinta waxa uu ku sheegay in aanu ka qeybgali doonin shirweynaha dib u heshiisiinta.
Shir Jaraa'id uu ku qabtey Hotel Mariidium ee magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ku sheegay in aanu jirin qaban qaabo ay wadaan oo ku aadan ka qeybgalka shirkaasi.
" M ahan kuwo dirisan hogaamiyeyaasha dhaqanka beelaha Somalida, laakiin jahawareerka Somalia ka taagan waa siyaasad iyo xukun jaceyl, beesheeydana diyaar u mahan kulankaasi haddii aan looga hadleyn siyaasdda" ayuu yiri Afhayeenka.
Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmaya xilli 5 maalmood ay ka harsan tahay qabsoomidda kulanka dib u heshiisiinta qaran oo lagu wado in uu ka dhaco bartamaha bishaan magaalada Muqdisho.
Click here to find this article English
Max'ed Axmed
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net



Beesha Sade