Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo la dardaarmay xubnaha Puntland ugu qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta
8. July 2007
Garoowe(AllPuntland)- Kulan ay isugu yimaadeen 200-ergo oo matalaya degaanada maamul goboleedka Puntland kuwaasoo isu diyaarinaya ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee la filayo inuu bartamaha bishan ka furmo magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay xarunta cilmi baarista iyo wadatashiga ee PDRC.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Jan. Cadde Muuse Xersi oo kulankaasi kula hadlayay ergooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnahaasi inay si buuxda u matalaan degaanada hoos yimaada maamul goboleedka Puntland isla markaana ay walaalahooda Soomaaliyeed u tusaan una horseedaan tanaasul iyo sidii nabadgelyo ay u heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweyne K/xigeenka Puntland Md.Xasan Daahir Afqurac oo ka hadlayay kulankaas ayaa ergooyinkaasi u rajeeyay inay noqdaan kuwo ka soo baxa waajibaadka culus ee ah matalidda beelaha Puntland.
Ergadaasi ayaa la filayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaaraan magaalada Muqdisho oo ka socota qaban qaabada shirka iyo soo dhoweynta ergada ka kala imaanaya gobolada dalka
Cali Muxiyaddiin Cali
AllPuntland, Muqdisho




