‘Wasiiraa yidhi, haddii Rayaale tago Habar-yooniseey waa la idin jar-jarayaa oo Isaaqa kalaa idin jar-jaraya”
“Nin baa igu yidhi Ilmahayga yar-yari kolka la yidhaahdo, Habar-jeclo, Silaanyol, way salalaan. Ilaah baan idinku dhaarshee…”
“Codkiinaa laysku haystaa. Markaa run baan idiin sheegayaaye codkiina anigaa iska leh”
codkiinu ma wuxuu geyay waan dhimanaynaaye kaas baa I bad-baadin kara. Xaga diinta miyaanay dambi ku ahayn, xaga dadnimada miyaanay dambi ku ahayn.waxa kale oo ay yidhaahdeen, haddii la taabto Rayaale, Daarood tag Samaroona haday baxaysaa. A idinla tahay beesha intaa tiro le’egi inay ku joogto sidaa, waa maya yaan loo gefin, afmiishaarkoodaa taa ku sheekeeya, kolkay qarranimada Somaliland ogolaanayeen run baan idiin sheegayaaye wallaahi in aanuu joogin Rayaale.
Nin baa maalin dhawayto ila hadlay oo igu yidhi, waxaad wadaa Kulmiye, Kulmiye, meel uu ka keenayna la garan-maayo. Dabadeed, waxaan ku idhi waar ma ihi oo uu kuma jiro, kuye ilmahayga yar-yari kolkii la yidhaaho Habar-jeclo, Siilaanyo way selelaan.markaasaan ku idhi, waar anigu waayadanba kumaan arage xageed dalka kaga jirtay, kuye Norwey iyo meelahaasaan jiray, oo imisa sano ayaad maqnayd, sodon sanaan maqnaa, oo carruurtaadu ma halkanay ku dhasheen mise xaggaa,xagaasay ku dhasheen, oo goormay Silaanyo arkeen baan dabadeed ku idhi. Ilaah baan idinku dhaariyee, nacaybka noocaas ah hadii caqligeenu go’aan ku gaadho, umad Ilaahay jeclaanayo miyaynu noqonaynaa?, waa maya
http://www.dhambaalnews.com/news_eng.asp?id=581



