http://hobyonet.com/July/July_22_beero%20gawan.htm
Dadka ku dhaqan magaalada Gawaan, oo 30 Km u jirta magaalada Hobyo, ayaa waxa ay billaabeen in ay beertaan noocyada kala duwan ee khudaarta, iyadoo beerahaasi ay noqonayaan kuwii ugu horreeyey ee laga hirgaliyo dowlad goboleedka Gal-mudug State.
Hobyonet. Muqdisho Axad, July, 22, 2007
Khudaartaan, oo ay ka mid yihiin: Yaanyada, Liimo Bambeelada, Liima dhannaanta, Babayga, Barbarooniga, Isbaandheyska, Kabsar Caleenta, Zeytuunka, Bocorka iyo Raqayga, ayaa waxaa loo waraabiyo si wanaagsan.
Liindhannaan
Liimabambeelmo
Magaalada Gawaan, oo dadka ku nool ay u badan yihiin xoolo dhaqato kuna tiirsan waxa ay ka helaan xoolaha, ayaa waxa ay sheegeen in beerahaan laga hirgaliyo dhulka ku xeeraan magaalada ay sabab u noqon karto in dadka ay joojiyaan guurguurka.
Qaar ka mid ah jaaliyadaha ka soo jeeda dowlad goboleedka Gal-mudug State, oo booqasho ku tagay beeraha ay khudaartaasi ka baxayaan, ayaa waxa ay sheegeen in ay rumeysan waayeen in dhulkaasi ay khudaar ka bixi karto, si la mid sida gobolada koonfurta Soomaaliye oo caan ku ah beeraha.
Isbaandheys
Dr. Max’ed Saadiq Sh. Max’ud oo ka mid ah dadka howlaha horumarinta ka wada goboladaasi, ayaa waxa uu sheegay in ay la yaab ku noqotay sida wanaagsan ee ay beeraha halkaasi uga baxayaan, isagoo tilmaamay in ay muhiim tahay in la sii dhiiri galiyo dadkaasi, oo ceelal badan looga qodo goobaha ay ku nool yihiin si ay u badan beeraha ay tabcadaan.
Dhulka hoos yimaada dowlad goboleedka Gal-mudug State, ayaa waxaa ka socdo howlo si weyn loogu hormarinayo waxbarashada, caafimaadka iyo nolasho dadka ku dhaqan goboladaasi, iyadoo inta badan kharashka ku baxa howlahaasi ay bixiyaan dadka sama jecelka ah ee ka soo jeeda Gal-mudug ee ku dhaqan wadamada shisheeye.
Dabayaaqadii bishii hore ayey aheyd markii hay’ado wadani ah iyo kuwa shisheeye ay mashruucyo ceelal lagu qodayey ka fuliyeen magaalooyin ka mid ah Gal-mudug State.
Gawaan, Galmudug, Somalia




