TFG Supporters do you support this?
Posted: Sun Jul 29, 2007 9:59 am
Ciidamada dowladda oo jirdil u geystay wiil yar iyo dad kale
Click here to find this article in English
Mogadishu 28, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa waxa ay jirdil u geysteen saakay waabarigii xaafadda SOS wiil ardey ah oo ku sii jeeday Dugsi Qur'aan iyo labo nin oo kale oo marayay agagaarka SOS ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Wiil yar oo ay jirdileen ciidamada dowladda
Daawo Sawiro Badan
Sida ay shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah iyo ehelada wiilkaasi oo lagu magacaabo C/laahi Cabdi Max'ed oo da'iisu ay tahay 13 jir ayaa markii ay ciidamada dowladd jirdil u geysanayeen waxa ay ku qabteen meel ku dhow gurigiisa, xilli uu u sii kalahayay dugsi qur'aan, waxa ayna u geysteen ilaa iyo in ka badan 10 dhaawac ah sida Madaxa, xabadka iyo lugaha.
Wiilkaasi yar ee gabood falka ay u geysteen ciidamada dowladda oo ugu waramay Shabelle gurigiisa oo ay ka muuqanayeen dhaawacyo, iyadoo lagu soo daweeyay goob farmashiyo ah oo looga dhayay dhaawacyadii loo geystay ayaa sheegay in gaari dagaal ay ku qaateen ka dib markii uu diiday sida uu yiri in uu dhigo kutub qur'aan uu watay.
Waalidka wiilkaan iyo eheladiisa ayaa aad uga xumaaday falka loo geystay wiilkooda, oo ay ku tilmaameen mid ka baxsan bani'aadnimada, iyagoo ka codsaday hay'adaha xuquuqda Aadanaha in ay baaris ku sameeyaan arintaan.
Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa waxa ay jirdil u geysteen labo nin oo kale ayna ka qaateen teleefoonada gacanta, sida uu shabelle u sheegeen Goobjooge magaciisa ku soo koobay Xasan.
http://www.shabelle.net/images1/jirdil03.jpg
http://www.shabelle.net/images1/jirdil04.jpg
http://www.shabelle.net/images1/jirdil02.jpg